Sign in to follow this  
Deeq A.

Carruur ay askareynaysay Al-Shabaab oo soo fakaday kadibna…

Recommended Posts

Deeq A.   
Capture-1.png?fit=1004%2C561&ssl=1

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad-sugidda ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay carruur ay qoysaskooda ka afduubteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay gobolka Baay.

Carruurta oo gaareyso illaa 4 ayaa waxaa lasoo wariyay in dhowaan ay qafaasheen Al-Shabaab, ayna doonayeen inay askareeyaan balse ay kasoo fakadeen, kadibna waxaa soo qabtay iyaga oo soo baxsaday ciidamada NISA ee ka howlgala magaalada Baydhaba.

Muuqaal uu baahiyay Telefishinka Koonfur Galbeed ayaa waxaa kasoo muuqday carruurta oo aan gaarin da’da qaar-gaarnimada, waxayna ka sheekeeyeen sida ay ugu gacan galeen Al-Shabaab.

Mid kamid ah carruurta ayaa sheegay in markii hore la tashkiiliyay, kadibna sidaas lagu kaxeeyay dhulka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanka Buush-Madiino oo la doonayay in lagu tababaro, balse ay markii dambe kasoo carareen, iskuna soo dhibeen ciidamada NISA.

“Aniga oo waalidkey la joogo, waxbarashana ku jiro ayaa Al-Shabaab i tashkiilisay, kadibna way i wadeen waxayna i geeyeen Buush-Madiino oo aan joogay mudo 9 berri ah” ayuu yiri.

Sidoo kale, carruurta ayaa dalbaday in la gacan qabto, isla markaana la siiyo waxbarasho, si ay u helaan mustaql fiican oo ka wanaagan midka adag ee Al-Shabaab.

Dhowaan, sidaan oo kale ayaa xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo gaaraya illaa 10 dhalinyaro ah waxaa loogu soo bandhigay Baydhaba, kadib markii ay isa soo dhiibeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this