Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka DF iyo Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Ruto.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale oo wareysi gaar ah siiyay Wariye Cabdijaliil Show ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan khilaafaadka ka jira gudaha dalka.

Aadan Barre Ducaale ayaa soo hadal qaaday xiisadda haatan u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, taas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, kadib markii uu go’ay xiriirkii labada dhinac, sidoo kalena ay arrinta isku rogtay dagaal gacan ka hadal ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyay mowqifka dowladda Kenya, wuxuuna tilmaamay in arrimaha gudaha Soomaaliya ay uga damabeyso dowladda Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna la shaqeyn doonaan.

“Arrinka Jubbaland iyo DFS waa in lagu xalliyaa si diblumaasi ah, tan kale annagu waxaan ka dambeynaa Soomaaliya, muhiimaddeenu waxaa weeye in nabad-gelyadu annagoo walaal ah oo mideysan inaan u wajahno sidii loo xallin lahaa xiisadda” ayuu yiri wasiiku.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Madaxweyne William Ruto wuxuu aqoonsan yahay in laga dambeeyo dowladda ka dhisan Villa Soomaaliya, xiriir fiican ayuuna leeyahay Madaxweyne Xasan”.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in dowladda Kenya ay haatan waddo dadaallo ay ku dhex-dhexaadineyso dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland, si xal looga gaaro khilaafka taagan.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday safarkii Madaxweyne Axmed Madoobe ee magaalada Nairobi, wuxuuna tilmaamay inuu la xiriiray arrin diblumaasiyadeed iyo dadaallada lagu dhex-dhexaadinta isaga iyo sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Kenya kuma xad gudbin Soomaaliya, anagu waxaanu la simanahay DFS, booqashadii Axmed Madoobena waxay ahayd arrin diblumaasiyadeed, si looga wada-hadlo khilaafka ka taagan gudaha Soomaaliya, waxaana weli socda waa-waan” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkiisa uu yahay khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo, kaas oo dhaliyay in xaalad adag ay gasho Jubbaland oo xayiraad xooggan ay saartay dowladda dhexe, waxaana sidoo kale labada dhinac dhex-maray dagaallo toos ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this