Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Somalia iyo Itoobiya oo ku laabanaya wada-hadaladdii Ankara- Maxaa soo kordhay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Abiy-Ahmed-iyo-Xasan-Sheekh.jpeg?fit=204

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mar kale qorsheynaya inay sii amba qaadaan wada-hadalladii u dhexeeyay ee ka socday magaalada Ankara ee dalka Turrkiga, kuwaas oo horay xal looga gaaray xiisadda labada dal oo haatan lasii dhammeystirayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan dowladda Soomaaliya ay dirtay guddi farsamo oo ka qayb-galaya wajiga koowaad ee wada-hadallada dib uga bilaabanaya dalka Turkiga.

Ujeedka ugu wayn ee wada-hadallada farsamo ee bilaabanayo ayaa ah sidii loo dhaqalin lahaa heshiiskii Ankara, sida uu shaaciyay wasiirka warfaafintaSoomaaliya Daud Aweys.

Qoraal uu wasiirka soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in uu hadda joogo Turkigan, uuna ka qayb-galayo wejiga 1-aad ee wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaan qeyb ka ahay Wafdiga Soomaaliya ee u yimid Ankara si aan uga qeyb galno wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay sahminta sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Ankara” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay  raaciyay “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay abuurto nabadda, xoojinta iskaashiga, iyo dhismaha xiriirka diblumaasiyadeed ee ku dhisan is-faham iyo ixtiraam”.

Dhinaca kale, Itoobiya ayaa iyaduna dirtay guddi kale oo farsamo oo ay is arki doonaan guddiga ay soo xushay dowladda Soomaaliya, waxaana diiradda la saari doonaan, sidii loo heli lahaa xal waara, Itoobiyana u heli lahayd marin biyood, iyada oo soo mareyso dowladda dhexe.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan si weyn isugu soo dhawaaday, waxaana labada dal ay yeesheen wada-hadallo kala duwan oo foolka fool ah, kana kala dhacay magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho oo ay isku arkeen madaxda sare ee labada dowladood ee dariska ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this