Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorka Imaaraadka ee dagaalka ka socda Puntland – Maxaadan ogeyn?

Recommended Posts

Deeq A.   
Imaaraad-duqeyn.jpg?fit=720%2C512&ssl=1

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa kaalin wayn oo muuqata ka qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee haatan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, sida ay shaacisay Puntland-Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu caddeeyay doorka Imaaraadka ee howlgallada lagu beegsanayo maleeshiyaadka Daacish, isaga oo dhanka hawada ka taageeraya ciidamada Puntland ee dagaalka adag ku jira.

Duqeyntii ugu dambeysay ayuu Imaaraadka xalay ka gaystay aagga Buuraha Calmiskaad, waxaana lagu dilay in ka badan 10 ka tirsanaa kooxda Daacish, sida ay sheegtay Puntland.

“Duqeyntii labaad waxa hada lala beegtay, Darar-madoobe, In ka badan 12 Argagixiso ah oo xubno sarsare kujiraan ayaa lagu dilay, Gaari xamuul ahna waa laga gubay. Waxa iska kaashanaya duqeynta Puntland iyo saaxiibada UAE” ayaa lau yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taageerta ciidamada Puntland, waxayna ka gacan siiyaa dhaqaalaha, tababarka iyo saanadda ciidan ee ay u baahan yihiin.

Marka laga tego Imaaraadka, waxaa isna dagaalkan qayb ka ah Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed ka fuliya Puntland, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Daacish.

Si kastaba, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan albaabada u furay cid weliba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this