Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo qaabiley wefdi ka socday Galmudug oo garab istaag u muujiyay ciidamada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1739789623870.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabiley wefdiga ka socday Galmudug, kuwaasi oo taakulo iyo garab istaag u muujiyey Ciidanka geesiyaasha ah  ee Argagixisada Daacish ka sifeynaya Puntland.

Madaxtooyada Puntland oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in wefdiga Galmudug taakuladii ay wadeen ku wareejiyeen shalay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey garab istaaga Galmudug u muujisay Ciidanka iyo hawlgalka socda, wuxuuna xusay in ay muhim tahay in meel looga soo wada jeesto ciribtirka Argagixisada Daacish iyo Shabaab oo labudaba khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland, Guddiga taakuleynta iyo daryeelka ciidanka hawlgalka kujira, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda iyo saraakiil Madaxtooyo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo qaabiley wefdi ka socday Galmudug oo garab istaag u muujiyay ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this