Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka lagula jiro Daacish ka qayb qaadashadiisa Soomaali oo dhan buu waajib ku yahay!

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaalka buuraha ka socda ee Puntland ay ku qaadday Daacish wax weyn buu ka tarayaa ammaanka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

1000025765.jpg?resize=720%2C480&ssl=1Boosaaso: Madaxweyne Deni iyo wafdiga waday taakuleynta Galmudug

Bishii November ee sanadkii tegay ayaa dowladda Puntland waxay si cad u soo ban-dhigtay cudud ciidan oo loogu talo galay inay ka saaraan ururka argagixisada ah ee Daacish buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland. Daacish ayaa sanadkii 2015 waxaa Soomaaliya uga dhawaaqay Cabdulqaadir Muumin isla markaasna noqday hoggaamiyaha iyo amiirka wakiilka uga ah ururka ISIS Soomaaliya. Cabdulqaadir Muumin ayaa isla sanadkaas ka baxay ururka Al-Shabaab, markii ay hanjabaad uga timid ururka Al-Shabaab, wuxuuna muddo gaaban uu buuraha Calmiskaad ka dhisay xarumo iyo sal-dhigyo ciidan kuwaasoo oo ku soo aruuriyay ciidamo iyo xubno sar-sare oo heer caalami ah oo ka tirsan ururka Daacish, waxaana shaki la’aan ah in xarumaha Calmiskaad ee ururka Daacish ay dhiseen, maal geliyeen, qalabeeyeen hoggaanka argagixisada caalamiga ah ee Daacish.

Muddada 10ka sano ah ee kooxdaas ay daganeyd buuraha gobolka Bari waxay run ahaantii culeys iyo dhibaato joogta ah ku hayeen shacabka deegaannadaas ku dhaqan xag nolol iyo horumarba. Maamulka Puntland oo xogo badan ka hayay kooxda iyo nidaamka ay u abaabulantahay ayaa run ahaantii ku dadaalayay inay wax yeeladu yaraato, nolosha dad-weynahana ay sideedii caadiga ahayd u socoto wuxuuna muddadaas ay joogeen la galay dagaalo faro badan iyadoo waliba ay culeysyo kale uga imaanayeen dagaallada siyaasadeed ee maamullada dhexdooda ah iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan, hadda ay qaadeen ciidammada Puntland waxaa shaki la’aan ah in mar hore loo baahnaa in la qaado laakiin sababo badan baa hor taagnaa kuwaasoo wali qaarkood ay taaganyihiin ayaa haddana waxaa soo baxay cabsi weyn oo caddeyn u ah in kooxdaas ay soo dhameys tirtay diyaar garowgeedii colaadeed ay qorsheyneysay inay ku wax yeeleyso qaybo ka mid Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso oo iyada deegaan ahaan aan wax badan ka fogeyn buuraha Argagixisada sal-dhigga ka dhigatay, waxaana joogta noqday wax yeellada ay kooxdaas ku hayso dadka shacabka ah gaar ahaan dadka ku nool deegaannada buuraha dhexdooda ah, waxaana maalin kasta deegaannada ay joogaan laga soo sheegi jiray, xoolo ay dhaceen, dad la waayay ama la wax yeeleeyay, waxay sidaas oo kale cago jugleyn iyo si xoog ah lacago uga qaadayeen ganacsatada gobolka Bari gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Boosaaso…

Gacanta Sare waxaa Alle idankii iska leh shacabka Soomaaliyeed, Geerida teeda Foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa duleysan ee cadowga u soo raacay dadkooda!

1000025766.png?resize=351%2C354&ssl=1

Waxaa la wada ogyahay dadka Soomaaliyeed duulaan dhinacyo badan ah lagu soo qaaday, waxaana shaki la’aan ah in qaybo badan oo duulaankaas ah ay ku jiraan qorshayaal is diidan ay diyaariyeen sir-doono dalal shisheeye ah oo siyaasad iska soo hor jeeda, middaasna waxaa laga garan karaa dhaqanka madaxda dowladda federaalka ah, waxaa laga garan karaa sida dowladaha shisheeyaha qaarkood aysan dan uga lahayn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya, waxaad arkeysaa dalal colaad ka dhexeyso oo haddana uusan midna uga xumeyn midka kale xiriirka ay dowladda Soomaaliya la leedahay midka kale ama dalka cadowgiisa ah, taasoo uu macnaheedu yahay inay dalkiiba kala qaybsadeen oo aysan jirin wax uga lumaya xiriirka dalka cadowgiisa ah uu la leeyahay Soomaaliya…

FB_IMG_1739688339770.jpg?resize=720%2C48

Weydiimaha jawaabtooda aan cidina kuu sheegi kareyn waxaa ka mid ah, 11kii bishaan aan ku jirno duulaan ay soo qaadday kooxda Daacish waxay Mootooyin (Motorcycle) lagu sheegay tiradooda 40, marna 60 lagu sheegay, oo wada cusub oo qaraxyo lagu soo qaaday! Isla maalinkaas sida la shaagay argagixisada waxaa laga dilay 87 nin, sida la sheegay 81 ka mid ah waxay ahaayeen rag aan Soomaali ahayn!…dagaalkii ugu horreeyay oo ay ku dhimatay 57 argagixisa ah intaba waxaa lagu sheegay inay ahaayeen niman aan u dhalan Soomaaliya, ilaa iyo hadda wararka soo baxay waxay tilmaamayaan dadka ugu badan ee ka dagaalamaya buuraha Calmiskaad inay shisheeye yihiin!…Bal adigu ka feker, qalabka iyo hubka ay ku dagaalamayaan, teknoolojiga, gaadiidka, waxay baneeyeen jidad oo dhul dhan bay dhirtii iyo buurihii iyo dhagaxaantii taalay ka baneeyeen oo wado ka bixiyeen…Sidee bay waxaas oo agab ah ku heleen? Waxaas ma qarsoomi karaan ee yaa gaarsiiyay?…dadkaan xagee bay soo mareen? Ilaa iyo hadda wax la ogyahay meesha uu soo maray iyo sida uu kooxdaas ugu biiray waxaa la hayaa hal nin oo Yaman ah oo la yiri barfuuno ayuu wareejin jiray…

Galmudug oo garab istaagtay Puntland!

Waxay ahayd arrin aad muhiim u ah in Galmudug iyo cid kasta oo Soomaaliyeed ay dagaalkaas kaalinteeda ka qaadato, shaki iigama jiro garab istaaga Galmudug inta uu dagaalkaas ka tarayo waxaa ka weyn inta uu ka tarayo midnimmada dadka Soomaaliyeed, waxaa ka weyn inta uu niyad jab ku ridayo cadow badan oo rumeysnaa inay Soomaaliya kala tagtay sidii Dibi-Gaduud, Dibi-Madow iyo Dibi-Cadde, waxaa ka weyn sida ay u nooleyneyso niyad samidii iyo dadnimadii inay doorsoontay cadowgu isugu sheekeynayay!…Dadka Soomaaliyeed waa u mideysanyihiin difaac dalkooda, ciddii hiil tarteyna waa yaqaanaan, cadowgoodana waa yaqaanaan!… waxaana la gudboon shacabka Soomaaliyeed in dagaalka kasta iyo khilaafaadka iyo tuhunnada la dhex dhigay ay ka gudbaan, ayna gaaraan oo ay fahmaan xaqiiqda ah inay yihiin naf qur ah, dagaal kasta oo gobol Soomaaliyeed lagu soo qaadana ay waajib tahay inuu ka qayb qaato qof kasta oo Soomaali ah.

Dagaalkaan ay Puntland gashay waa inuu ku soo dhammaadaa wax looga samri karo dhallinyarada dadkooda iyo dalkooda difaaciisa u dhintay, waa inuu ku soo dhammaadaa inay quustaan shisheeyaha xudduudaha dalka ka soo talaabaya, waa inuu ku soo dhammaada in cadowgu uusan si fudud ugu soo dhiiran inuu si guracan u soo damaaciyo dhul Soomaaliyeed, waa inuu ku soo dhammaadaa inaysan Soomaaliya ahayn sida ay is fahamsiiyeen, cadow kasta oo dalka Soomaaliya soo galana lagu aaso ee uusan ka noqon isagoo libin ku faanaya…waxaana shaki la’aan ah in dagaalka ay maanta ku jirto Puntland uu farriin u yahay cadow kasta oo shisheeye ah oo Soomaaliya gudaheeda falal argagixiso ka wado, isla markaasna uu wax ka tarayo sugitaanka ammaanka guud ee dalka Soomaaliya iyo dowladnimmadeeda.

Waa la dhimanayaa, haddii ay dagaal tahay iyo haddii ay nabad tahayba, dadka Soomaaliyeed ee dagaalyahanimmada u dhashay, ee aan aqoon cabsida, waxay aad u fahamsanyihiin cadowga maan-gaabka inuu maanta damaciisa aad u sareeyo, inuu ku fekerayo Soomaaliya maanta ayeey kuu dagantahay… Oo waliba waa laynoo soo bareeray oo waxayba gaartay in nin inta golayaasha soo fariisto uu yiraahdo dhul Soomaaliyeed baan qaadanayaa… Gacanta Sare waxaa Alle idankii iska leh shacabka Soomaaliyeed, Geerida teeda foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa duleysan ee cadowga u soo raacay dadkooda! Waxaa iyadana talo wanaagsan ah in dadyowga xudduudaha ka soo tallaabay ama ka yimid dalalka deriska dib loogu celiyo dalalkooda, maaddaama ay jiraan cadeeymo loo hayo in kuwo badan ay ku biireen Argagixisada Daacish.

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

The post Dagaalka lagula jiro Daacish ka qayb qaadashadiisa Soomaali oo dhan buu waajib ku yahay! appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this