Sign in to follow this  
Deeq A.

Olole saameynaya 2.5 milyan oo caruur ah oo ka billowday Soomaaliya – Muxuu yahay?

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay daah-furtay ol’ole qaran oo afar maalmood soconaya, kaas oo lagu tallaalayo 2.5 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano, iyadoo diiradda la saarayo gobollada Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ol’olahan, oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ee Dowladda Federaalka, waxaa taageeraya Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF iyo Barnaamijka Ciribtirka Caalamiga ah ee Dabaysha (GPEI).

Ujeeddada ol’olahan ayaa ah in la joojiyo faafitaanka nooca labaad ee fayraska dabaysha (cVDPV2), kaas oo kusoo noqnoqday Soomaaliya tan iyo 2017.

Soomaaliya waa mid kamid ah toddobada dal ee Barnaamijka Ciribtirka Dabayshu u aqoonsaday inay halis sare ugu jiraan cudurkan. Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah cudurro soo noqnoqday, nidaamka caafimaadka oo daciif ah, iyo colaadaha sii socda ee caqabad ku ah dadaallada tallaalka.

Gobollada kale ee sida weyn ugu nugul dabaysha waxaa ka mid ah: Afgaanistaan, Pakistan, Gobolka Tete ee Mozambique, Bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Kongo, Waqooyiga Yemen iyo Waqooyiga Nigeria

Dadaallada tallaalka iyo wacyigelinta

Si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan, kooxaha tallaalka ayaa guri-guri u mari doona si ay u hubiyaan in carruurta la beegsanayo ay helaan tallaalka cusub ee dabaysha (nOPV2).

Ol’olahan ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa dadaallada joogtada ah ee tallaalka, iyadoo la kordhinayo wacyigelinta bulshada si wax looga qabto cabashada ay waalidiinta qaar ka qabaan tallaalka.

Sanadkii hore, dadaalladii joogtada ahaa iyo ol’olayaashii gaarka ahaa ee cudurka dabaysha ayaa suurta geliyey in la tallaalo 600,000 oo kamid ah 1.5 milyan oo carruur ah oo aan weligood wax tallaal ah qaadan. Ol’olahan cusub ayaa sii xoojinaya guulihii hore, wuxuuna muujinayaa sida ay dowladda uga go’an tahay badbaadinta carruurta Soomaaliyeed.

Dabayshu waa cudur halis ah, balse gabi ahaanba laga hortagi karo. Wareeg kasta oo tallaal ah wuxuu inaga dhawaynayaa ciribtirka cudurkan.

Iskaashiga adag ee bulshada, hoggaaminta dowladda, iyo taageerada hay’adaha caalamiga ah ayaa muhiim u ah xaqiijinta in aan hal ilmo laga tagin.

Dowladda Soomaaliya waxa ka go’an inay si dhow ula shaqeyso dhammaan dhinacyada ay quseyso si loo sugo in carruurta Soomaaliyeed laga ilaaliyo cudurka dabaysha iyo cudurrada kale ee tallaalka lagu xakameeyo.

Dhawaan, dowladda Soomaaliya ayaa daah-furtay guddi qaran oo ka shaqeynaya tallaalka iyo ciribtirka dabaysha, kaas oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha, si loo dedejiyo dadaallada lagu dabar-goynayo cudurkan.

Marka lagu daro dadaallada ka dhanka ah dabaysha, dowladda ayaa qorsheynaysa in sanadkan la hirgeliyo tallaalada pneumococcal iyo rotavirus, kuwaas oo si weyn hoos ugu dhigi kara dhimashada carruurta ee la xiriirta oof-wareenka iyo shubanka—labadaas oo ah sababaha ugu badan ee dhimashada carruurta Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this