Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo taamaysa qorshe xasaasi ah oo ka dhan ah AU-da kadib guul-daradii Odinga

Recommended Posts

Deeq A.   
Raila-Odinga-scaled.jpg?fit=2560%2C1654&

Nairobi (Caasimada Online) – Xulafada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, ayaa soo jeediyay in Kenya dib uga fiirsato xubinnimada Midowga Afrika (AU), kaddib guuldaradii uu Sabtidii kala kulmay doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC).

Doorashadan, oo ka dhacday Shir-madaxeedkii 38-aad ee Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha Midowga Afrika ee Addis Ababa, Itoobiya, ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

Kaddib wareegyo codbixineed oo socday toddobo marxaladood, Youssouf ayaa ugu dambeyn helay xilka, isagoo helay 33 cod—wuxuuna gaaray aqlabiyadda loo baahnaa ee saddex-meelood laba (2/3) oo ka mid ah 49 hoggaamiye dowladeed oo codeeyay.

Guuldarada Odinga ayaa dhalisay fal-celin xooggan oo ka timid taageerayaashiisa, taasoo keentay dood xoogan oo ku saabsan doorka Kenya ee Midowga Afrika.

Xildhibaan Peter Kaluma oo laga soo doorto Homa Bay ayaa noqday mid ka mid ah codadka ugu adag ee arrintan ka hadlay, isagoo shaaciyay inuu ka shaqeyn doono sidii Kenya uga bixi lahayd Midowga Afrika, xitaa suurtagalna ay tahay inay sidoo kale ka baxdo Bulshada Bariga Afrika (EAC).

EAC waa urur ay ka tirsan yihiin siddeed waddan oo kala ah: Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Uganda, iyo Tanzania.

Dhinaca kale, Xildhibaan Samuel Atandi oo laga soo doorto Alego Usonga ayaa soo jeediyay in Kenya dib u eegis ku sameyso dhaqaalaha ay ku bixiso Midowga Afrika, isagoo ku baaqay in la dhimo ama la joojiyo maalgelinta ay Kenya siiso ururka.

Mowqifkan sii xoogeysanaya ayaa muujinaya walaac ballaaran oo laga qabo qaab-dhismeedka Midowga Afrika iyo saameynta uu ku leeyahay danaha dowladaha xubnaha ka ah.

Senator Ledama Olekina oo laga soo doorto Narok ayaa isna ka hadlay arrinta, isagoo qiray in Madaxweyne William Ruto si buuxda u taageeray musharraxnimada Odinga. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo qaab-dhismeedka Midowga Afrika, isagoo xitaa soo jeediyay su’aal ay dood dhalisay: “Maxaa diidaya in Midowga Afrika loo kala qeybiyo labo?”

Waxaa xusid mudan in hanaanka doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika uu si gaar ah ugu xiran yahay dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo aysan wax saameyn ah ku lahayn maamullada militari.

Xilkan waxaa si wareeg ah loogu wareejiyaa shanta gobol ee Afrika. Doorashadan, gobolka Bariga Afrika ayaa soo xulay musharraxa guddoomiyaha, halka gobolka Waqooyiga Afrika uu keenay ku-xigeenka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this