Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo markii ugu horresay ka hadashay safarkii Madaxweynaha Jubbaland uu dhowaan ku tagey dalkeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horresay faahfaahin ka bixisay safarkii uu madaxweynaha maamulka Jubbaland dhowaan ku tagey magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.

Wasiirka deegaanka iyo isbadelka cimilada ee Kenya Aadan barre Ducaale oo wareysi siiyay mid kamida shabakadaha warbaahineed ee Nairobi ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo William Ruto ay arrimaha Soomaaliya keliya kala macaamilayso dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay doonayso in dowlad goboleedyadu ka dambeeyaan.


Mar wax laga weydiiyay safarkii madaxweynaha maamulka Jubbaland uu bishii Janaayo ku tagey magaalada Nairobi, waxa uu sheegay in socdaalkaasi uu qeyb ka ahaa wada-hadal dhexdhaxaadin ah oo Kenya ay ka dhex wadday Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Wasiir Aadan Barre Ducaale ayaa intaas ku daray in xukuumadda William Ruto ay madaxweyne Xasan Sheekh u caddaysay mowqifka dawladda Kenya ee arrimaha Soomaaliya intii lagu jiray shir madaxeedkii dalalka bariga Afrika ee dhowaan ka dhacay magaalada Caruushe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa bishii Janaayo diyaarad gaar ah oo ka qaday Kismaayo waxay geysay magaalada Nairobi, waxayna arrintaas dad badani u arkayeen xadgudub ay dowladda Kenya ku samaysay madax-bannaanida Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this