Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war culus ka soo saartay duqeymo caawa ka socda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal Militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (US AFRICOM) ayaa goordhow laga fuliyay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Daacish ee Buuralayda Calmiskaad, gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.

Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan argagixisada Daacish, wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS.

Qiimeyn kadib faahfaahin dhameystiran ayaa laga soo saari doonaa howlgalkaan, maadaama uu weli socdo howgalkaan oo ah mid qorsheysan, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga howgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Taliska AFRICOM ayaa horey u sheegay in 1-dii Febraayo 2025, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Daacish.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 14 xubnood oo Daacish ah, oo uu ku jiray horjooge sare oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maleninine, kaas oo masuul ka ahaa qorista xubnaha iyo aruurinta dhaqaalaha kooxda.

Sidoo kale, Puntland ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ka qayb qaatay duqeymaha cirka ee lagu bartilmaameedsaday Daacish, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar sheegtay in door muuqda ay ku leedahay howlgalka Puntland looga xoreynayo Daacish.

Dowladda Federaalka oo hadda shaacisay duqeynta caawa ka socota Calmiskaad ayaa balan qaaday faahfaahin dhameystiran kadib markii uu soo idlaado howlgalkaan, sidoo kale Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa looga bartay shaacinta xogta kama dambeysta ah ee howlgallada ay fuliyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this