Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo Soomaaliya ka hakiyey lacagahii Danab iyo kuwa kale + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab_Brigade_Armpatch_Somali_Army.jpg?f

Washington (Caasimada Online) – Joojinta madaxweyne Donald Trump uu ku sameeyey gargaarka dibadda ee Mareykanka, ayaa saameyn xooggan ku yeeshay Soomaaliya, ayada oo la hakiyey lacagtii Washington ay ku bixin jirtay ciidamada Danab, iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada dalka ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Saacado un kadib markii uu xilka la wareegay bishii hore, Trump wuxuu saxiixay amar madaxweyne oo hakad gelinaya barnaamijyada gargaarka dibadda muddo 90 maalmood ah.

Wuxuu ku dooday in “gargaarka dibadda iyo hay’adaha la xiriira aysan waafaqsanayn danaha Mareykanka” isla markaana ay “wax u dhimayaan xasilloonida caalamka.”

Si kastaba ha ahaatee, afar mas’uul oo hore iyo kuwo hadda xil haya – kuwaas oo codsaday in magacyadooda la qariyo cabsi ay ka qabaan aargoosi xagga dowladda ah – ayaa sheegay in barnaamijyadan la hakiyay si gaar ah loogu talagalay in looga hortago khataraha amniga qaranka, joojintooduna ay halis gelin karto Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ah.

Aqalka Cad kama jawaabin codsi loogu diray faallo ka bixinta arrintan.

Saameynta hakadka gargaarka amniga

Mareykanka wuxuu sannadkii bixiyaa ku dhawaad $10 bilyan gargaar amni oo dibadda ah. In ka badan kala bar miisaaniyaddaasi waxay aadaa Israa’iil, Masar, iyo Ukraine – saddexdan waddan ayaana laga dhaafay xanibaadda kharashaadka.

Dhanka kale, waddamada kale ee xulafada la ah Mareykanka ee ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe – kuwaas oo hela gargaar aad uga yar – waxay la kulmeen hakad ballaaran oo saameeyay barnaamijyadooda amniga.

Mid ka mid ah barnaamijyada si gaar ah looga walaacsan yahay waa barnaamijka Kaalmada Ka-hortagga Argagixisada (Anti-Terrorism Assistance), oo Mareykanku ku bixiyay $264 milyan sannadkii 2023 si sare loogu qaado awoodda xulafadiisa ay uga falceliyaan khataraha xagjirka.

Barnaamijyo kale ayaa diiradda saaraya la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah, ka hortagga ka ganacsiga mukhaadaraadka, iyo xoojinta hay’adaha sharci fulinta ee maxalliga ah. Qaar badan oo ka mid ah barnaamijyadan hadda waa la hakiyay.

“Tani ma aha ‘Show-ga The Apprentice.’ Lama oran karo xulafada: waad la bixi kartaan,” ayuu qoray sarkaal hore oo dhanka amniga ah. “Wax kasta oo aan siino – laga bilaabo tababar iyo qalab ilaa talo guud – waa gargaar dibadeed, waxaana ay xulafadayadu ku tiirsan yihiin si ay u fuliyaan howlaha Mareykanku ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan si ‘Mareykanka ammaan u noqdo!’”

Soomaaliya oo saameyn gaar ah dareentay

Soomaaliya, oo Mareykanku taageero siiyo si ay ula dagaallanto Al-Shabaab – kooxda xiriirka la leh Al-Qaeda – ayaa si gaar ah saameyn ugu yeelatay hakadka dhaqaalaha, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka.

Joojinta dhaqaalaha ayaa halis dhanka amniga ah u keentay boqolaal askari oo Mareykan ah oo ku sugan halkaas.

Qandaraaslayaal qaabilsan dhismaha iyo dayactirka xeryaha ciidanka gaarka ah ee Danab – oo uu Mareykanku tababaray – ayaa si lama filaan ah uga tagay, taasoo keentay in askarta Mareykanka ay dadaal geliyaan si ay u buuxiyaan kaalintooda, sida uu sheegay sarkaalkan difaaca Mareykanka.

Ku dhawaad 400 oo askari oo ka qalin jabiyay tababarka Danab ayaa looga tagay bannaanka saldhig Mareykan ah, iyagoo aan helin raashin, shidaal ama koronto.

Qandaraasle kale oo qaabilsanaa daad-gureynta dhaawacyada askarta Soomaaliyeed wuxuu hayay shaqaale ku sugnaa goob dagaal oo fog xilliga la soo saaray amarka joojinta shaqada, sida uu sheegay sarkaalkan difaaca Mareykanka. Lama oga in dib u celinta shaqaalahaasi ama howlaha kale ee daad-gureynta la bixin doono.

Shaybaarrada Soomaaliya oo hakad galay

Xayiraadda dhaqaalaha waxay sidoo kale saameysay shaybaarrada Mareykanku taageero ee ku yaalla Muqdisho iyo Garoowe, kuwaas oo baara rasaasta, DNA-da, bambooyinka iyo cadeymo kale.

Lt. Col. Maxamed Maxamuud Axmed, oo ah madaxa laanta baarista dambiyada ee booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in shaybaarka Muqdisho uu bixin jiray faro-bixino iyo xog kale oo lagu gudbiyo Interpol iyo FBI.

“Sannadkii hore, shaybaarku wuxuu la tacaalay illaa 120 kiis oo argagixiso,” ayuu yiri Axmed. “Laakiin howlihii oo dhan hal bil gudaheed ayay istaageen. Tababarayaasheena way tageen, shatiyada IT-gana waa dhacay.”

Khabiir dhanka amniga ah oo si qoto dheer uga shaqeeyay Soomaaliya wuxuu arrinta si cad u sheegay:

“Haddii dhaqaalaha Mareykanka gabi ahaanba istaago, dagaalkan [lagu hayo Al-Shabaab] si degdeg ah ayuu u dhammaanayaa,” ayuu yiri.

Dagaalyahannada Al-Shabaab waxay sannado badan weerarro dhimasho leh ka gaysteen Kenya, oo ah xulafo weyn oo Mareykanka ah. Sannadkii 2020, dagaalyahanno hubeysan ayaa weeraray saldhig milatari oo ku yaalla Jasiiradda Manda Bay, halkaas oo ay ku dileen saddex Mareykan ah.

Sannadkii 2013, weerar ay ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee Nairobi wuxuu socday maalmo, halkaas oo boqolaal qof lagu dilay; sannadkii 2019, weerar kale oo lagu qaaday hoteel heer sare ah oo Nairobi ku yaalla wuxuu sababay dhimashada 21 qof.

Waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo Daacish ay ka dhigatay saldhig hawleed iyo mid dhaqaale, ciidamada maxalliga ah ayaa ku jira dagaal culus oo lagu doonayo in lagaga saaro kooxdaasi, balse weli ma helin taageero xagga reer galbeedka ah.

Warbixin bishan ka soo baxday guddiga khubarada Qaramada Midoobay ee baaraya Daacish iyo Al-Qaeda ayaa lagu sheegay in khatarta kooxahani ay weli tahay mid xooggan, isla markaana ay sii xoojinayaan diiradooda Afrika.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamtay in Al-Shabaab ay sameysaneyso xiriir “ku meel gaar ah ama fursad raadis ah” oo ay la yeelatay Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo weerarro la beegsanaya marin-biyoodka caalamiga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this