Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo maanta qisaasay muwaadin Soomaaliyeed iyo tobanaan kale oo dil ugu xukuman

Recommended Posts

Deeq A.   
dil-toogasho-ah.png?fit=1206%2C627&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga Carabiya ayaa maanta qisaastay nin Soomaali ah oo ka mid ah 45 maxaabiis Soomaali ah oo lagu helay inay dalka Sacuudiga galinayeen mukhaadaraad ama daroogo.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga ayaa VOA u xaqiijiyey in maxbuuskaas maanta la qisaasay oo la dilay, safiirka ayaa sheegay in layaab uu ku noqday go’aanka lagu toogtay mid kamid ah maxaabiistii Soomaaliyeed.

Xasan Xuseen Yuusuf oo adeer u ah ninoa maanta Sacuudiga lagu toogtay ayaa sheegay in wiilkooda uu lasoo xiriiray isagoo u sheegay in la qisaasayo oo tiirka ii ku xiran yahay, isagoo codsaday in lasoo cafiyo, hooyadiisna lagu salaamo.

Maxaabiista kale ee Soomaalida ah ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in laga badbaadiyo dilka ay ku xukuman yihiin, maadaama maanta la toogtay mid ayaga ka mid ah.

Maxaabiistan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 50 qof ayaa xilliyo kala duwan lagu qabtay Sacuudiga, iyagoo lagu eedeeyay inay dalkaas soo geliyeen maandooriye.

Ehellada maxaabiistan ayaa sheegay in dhalinyaradan oo qaarkood tahriib ku galay Sacuudiga iyagoo sii maray Yemen, lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalkaas.

Sanadkii 2024, Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay in ka badan 300 qof, taas oo muujineysa in boqortooyadu ay sii waddo fulinta xukunnada dilka ah ee la xiriira dambiyada maandooriyaha iyo kuwa kale.

Maxaabiista Soomaalida ah ee weli ku xiran Sacuudiga ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya ay u soo gurmato si loo khafiifiyo xukunnada dilka ah ee lagu riday, maadaama lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u qaaday tallaabooyin lagu doonayo in lagu caawiyo muwaadiniinta ku xiran xabsiyada Sacuudiga, iyadoo la rajeynayo in dadaalladaasi ay sii socdaan si loo badbaadiyo nolosha maxaabiistan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this