Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulanka madaxweyne Cali guudlaawe iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raagge.

Ugu horreyn Taliyaha ayaa warbixin ka siiyay madaxweynaha sida ay u socdaan howgallada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ka socda Hirshabeelle, kuwaas oo lagu soo af-jarayo haraadiga Khawaarijta.

“Rabbi ha idin ku guulleeyo dadaalka iyo kaalinta naf-hurnimada ee dalka kaga xorreyneysaan cadowga khawaarijta.” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii guusha kaddib dagaal adag oo lala galay argagixiso caalami ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this