Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay SOMALILAND ka tiri guul-darrada musharraxii taageerayay aqoonsigeeda?

Recommended Posts

Deeq A.   
Odinga-2.jpeg?fit=2000%2C1402&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa hambalyeysay musharraxa ku guuleystay tartanka hoggaanka fulinta Midowga Afrika, kaasoo loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf, kaasi oo ka adkaaday Raila Odinga oo ay wadatay Kenya.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Dawladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Dawladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti, oo aan ku hambalyeynayno guusha taariikhiga ah ee ay ku hanteen Hoggaanka Fulinta ee Ururka Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray madaxweynaha Somaliland.

Odinga ayaa si weyn u taageeri jiray ololaha aqoonsi raadinta Somaliland, oo muddo ka badan 30 sano ku doodaysay inay tahay “dal ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Soomaaliya,” inkasta oo caalamku u aqoonsan yahay sidii maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Musharraxan ayaa horey meelo fagaaro ah uga taageeray qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, isaga oo ugu baaqay Golaha Fulinta Midowga Afrika inay u aqoonsadaan Somaliland dal madax-bannaan.

Madaxweynaha Somaliland, oo u muuqda mid indhaha ka lalinaya weji-gabaxa kasoo gaaray tartankan—maadaama ninka la doortay la ogyahay halka uu ka taagan yahay qadiyadda Somaliland—ayaa guushan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo markhaati u ah saameynta sii kordheysa ee Jabuuti ku leedahay qaaradda Afrika.

“Guushan taariikhiga ahi waxa ay markhaati u tahay saamaynta diblomaasiyadeed ee sii kordhaysa ee ay Djibouti ku leedahay guud ahaanba Qaaradda Afrika, iyo sida ay Djibouti uga go’an tahay horumarinta iskaashiga Qaaradda. Dawladda Djibouti waa dal u heellan hagaajinta danaha ka dhexeeya waddamada iyo shucuubta Qaaradda Afrika,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale, waxa uu qoraalkiisa ku daray: “Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka dhexeeya xidhiidh walaaltinimo iyo xidhiidh taariikhi ah. Waxaanan ku kalsoonnahay in hoggaaminta dalka Jabuuti uu Midowga Afrika u horseedi doono horumar la mahadiyo, xagga nabadgelyada, xagga dhaqaalaha iyo xagga bulshadaba.”

“Mar labaad, waxa aan Dawladda iyo Shacabka Jabuuti ee aanu walaalaha nahay ku hambalyeynayaa guushan taariikhiga ah. Waxa aan Jabuuti u rejaynaynaa inay ku guulaysato gudashada xilkan muhiimka ah ee loo doortay,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxweynaha Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this