Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib weji-gabixii Muqdisho, Haboon oo si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
haboon.jpg?fit=1280%2C853&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Fannaanadda Haboon Nuura, oo maalmo ka hor Muqdisho looga hor istaagay inay qabsato bandhig faneed, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Haboon ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa si diirran ugu soo dhaweeyay fanaaniin iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Fannaanadda oo la hadashay warbaahinta gudaha kadib imaatinkeeda Hargeysa ayaa sheegtay inay ogoshahay wax walba oo ay ku weyday qaranimada Somaliland, sida ay hadalka u dhigtay.

Fannaanaddan ayaa horey uga mid ahayd koox fanaaniin ah oo reer Hargeysa ah, kuwaas oo xilligii ay Soomaaliya ka difaaceysay badda Itoobiya qaaday hees ay nacayb ugu muujinayeen reer Muqdisho.

Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xilligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya.

Haboon ayaa la sheegay in loo soo bandhigay inay raalli-gelin ka bixiso kadibna ay qabsan karto bandhig-faneedkii u dhignaa, balse fannaanadda ayaa diiday, waxayna go’aansatay inay iskaga soo laabato Hargeysa oo markii hore ay kasoo duushay.

Reer Muqdisho iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa dhibsaday heestii ay qeybta ka ahayd ee lagu karbaashay xilli ummadda Soomaaliyeed ay dalka ka difaacanayeen cadowga Itoobiya.

Hoos ka daawo muuqaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this