Sign in to follow this  
Deeq A.

Odinga culeys ma saari doona Ruto oo isaga jeedinayay kursigii looga guuleystay?

Recommended Posts

Deeq A.   
William-Ruto-Raila-Odinga-scaled.jpg?fit

Addis Ababa (Caasimada Online) – Raila Odinga oo ah musharraxii shalay looga adkaaday xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa usoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Raila oo warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay inuu dib ugu laabanayo dalkiisa Kenya, islamarkaana uu qabsanayo shaqadiisa.

Inkasta oo Odinga uusan faahfaahin ka bixin shaqada uu qabanayo kadib guul-darradii qaraarayd, haddana waxaa la ogyahay in ninkaan uu mucaarad ku ahaa madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo isagu dadaal badan geliyay sidii uu ugu mashquulin lahaa xilkaan balse ku guul-darraystay.

“Qorshahaygu waa in aan dalkayga dib ugu laabto si aan wax badan u qabto,” ayuu yiri Raila Odinga, oo ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo waxyaabaha uu qaban doono.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxba kama shalleynayo. Aad ayaan u faraxsanahay haddii aysan taas idinku filneyna, weli diyaar baan u ahay inaan u qabto adeeg walba oo ay qaaraddan u baahan tahay, miisaan walba ha lahaatee”.

Odinga oo diiwaanka ra’iisul wasaaraha Kenya ku galay buuq uu geliyay dowladdii madaxweynihii saddexaad ee dalkaas, Mwai Kibaki, ayaa haatan la fahamsan yahay inuu eeganayo sidii uu culeys xooggan u saari lahaa Ruto.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, ayaa Sabtidii shalay loo doortay inuu hoggaamiyo Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika. Diblomaasiyiin yar ayaa leh waayo-aragnimo la mid ah tan Maxamuud.

Maxamuud ayaa helay taageeradii loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka oo ku shiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka ka ah qaaradda ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.

Diblomaasiga 59-jirka ah ayaa loo arkayay mid fursado yar leh marka la barbardhigo siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga, wallow ay falanqeeyayaashu ku amaaneen ololihiisii xasilloonaa ee uu ku doonayay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat, oo u dhashay Chad, si uu hoggaanka ugu qabto ururka Midowga Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this