Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha Masar ee Gaza oo iska hor keeni kara Trump iyo Al-Siisi – Maxaa socda?

Recommended Posts

Deeq A.   
Trump-Sisi-scaled.jpg?fit=2560%2C2142&ss

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi ayaa dhawaan ka horyimid qorshaha madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kaas oo uu ku doonayo in dadka reer Falastiin ee Gaza loo raro dalal ay ku jirto Masar.

Al-Sisisi ayaa la sheegaya inuu wado dadaallo diblomaasiyadeed oo hoose, xilli uu wajahayo mid ka mid ah xilliyadii ugu adkaa ee xukunkiisa. Masar ayaa rajo weyn laga qabaa inay hormuud ka noqoto qorshe weyn oo dib loogu dhisayo Gaza, taas oo u oggolaanaysa inay ka fogaato barakicinta ballaaran ee Falastiiniyiinta iyo inay kor u qaadaan dhaqaalaha dalkooda.

Al-Siisi ayaa sida muuqata doortay waddo ka duwan tii Boqorka Urdun, Cabdalla II oo dhawaan Trump kula kulmay Aqalka Cad. Halkaas, Cabdalla wuxuu adeegsaday hadal jilicsan, isagoo ballan-qaaday inuu u oggolaan doono carruurta reer Gaza ee buka inay Urdun yimaadaan, balse si adag u diiday fikradda dib-u-dejinta qaxootiga reer Gaza.

Inkasta oo Trump uu ku adkeystay in Masar ay qaabili doonto dadka barakacay ee reer Gaza, haddana dalkaas Carbeed ayaa meel adag ka istaagay qorshahan. Trump ayaa ku andacoonaya inuu Masar wax badan u qabto ayna ogolaan doonto ugu dambeyntii, wallow ay taasi hadda muuqan.

Madaxweynaha Masar, Al-Siisi oo ah xulufo muhiim u ah Mareykanka ayaa sheegay in barakicinta “dadka Falastiiniyiinta ah ee dhulkooda ay tahay caddaalad darro aanan marnaba oggolaan karin”. Sidoo kale wuxuu baaqay shirweyne Carbeed oo lagu qaban doono Qaahira 27-ka Febraayo, si looga wada hadlo aragti beddesha tan Trump oo dhammaystiran oo ku aaddan Gaza.

Sii socoshada kala fogaanshaha labada dhinac ayaa la rumeysan yahay inay iska hor keeni karto Masar iyo Mareykanka oo xulufo muhiim ah, maadaama uu Trump ku adkeysanayo qorshahaan oo sida la fahamsan yahay ujeedooyin qarsoon ku ladhan yihiin.

Si kastaba, tan iyo bilowgii dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bishii Oktoobar 2023, Masar ayaa kow ka ah dalalka Carbeed ee sida isdaba joog ah uga digeyay qorshooyin lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed ee xuduudahooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this