Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa la gudboon Hanti-dhowre Guutaale oo laga sugayo Maxkamadda Gobolka?

Recommended Posts

Deeq A.   
Guutaale.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli kasii daraya khilaafka culus ee ka dhex-qarxay Hanti-dhowraha Qaranka, Axmed Ciise Guutaale iyo heerarka kala duwan ee Maxkamadaha dalka, kadib markii ay isku qabteen arrimo hoose oo la xiriira maamulka.

Hanti-dhowraha ayaa maanta laga sugayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir, kadib mkarkii ay shalay u yeertay Maxkamadda, iyada oo u jeedisay eedeymo culus oo oo waa wayn.

Waxaa kamid ah eedeymahaasi fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan Maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha Maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

“Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, kuna eedeysan qod. 254, 257 iyo 267 XCS, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka.

Axmed Ciise Guutaale oo isna qoraal kale soo saaray ayaa soo jawaabay, wuxuuna eedeymo u jeediyay Maxkamadda, wuxuuna tilmaamay in ay ku kacday ku takrifal awoodeed, maamul xumo iyo hoggaansanaan la’aanta sharciga, ayna sameysay dayacaad shaqo.

Hadda ayada oo ay sidaas tahay ayaa waxaa saaka laga sugayaa Maxkamadda Gobolka Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, si uu isaga difaaco eeeymaha waa wayn ee loo haysto.

Zakariye Nuur oo aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha sharciga, sidoo kalena ka tirsan bahda garsoorka ayaa shaaca ka qaaday in Guutaale uu ku ciyaarayo dab, marka loo eego sida uu dhigay doodiisa ka dhanka ah Maxkamadda oo shalay saacado kooban u qabatay.

Aqoonyahanka ayaa kula taliyay Hanti-dhowraha inuu tego Maxkamadda uuna is difaaco, si aysan uga sii darin arrintan, maadaama ay tahay arrin sharci ah, loona yeeri karo.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeysitan:-

Hantidhowroow dabbaad ku cayaaraysaa

  1. Hantidhowre ma og tahay saamaynta sharci ee ka dhalan karta amarka u yeeritaanka maxkamadeed haddii aadan u hogaansamin?
  2. Ma akhrisay Qod. 21(4) ee Xeerka Xafiiskaagu ku dhisan yahay oo si cad u tilmaamaya in aad xilkaada ku waynaysid xukun maxkamadeed intii uu doonaba hala ekaadee. Ka waran haddii maxkamaddu kugu xukunto 1 maalin ama wax ka badan? Haddii aad rafcaan ka qaadatana ay tahay in aad xabsi gashid. Ma ogtahay muddada habraaca rafcaanku qaadan karo? Ma ogtahay muddada cabashada maxkamadda sare qaadan karto? Haddii aadan rafcaan qaadan soo ma ogid in aad tahay dembiile baxsad ah oo xukun maxkamadeed ku dhacay?
  3. Mudane hantidhowre ma arragtay Qod. 22 ee Sharciga Hantidhowrka? Ma ogtahay in xubnaha xilka kaa qaadi karo ay ka mid yihiin 2 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dalka?

Waxaan ku gula talinayaa in aad hortagtid maxkamadda isna difaacdid, amarka maxkamaddana aad u hogaansantid. Sidaas oo kale aad raali gelin ka bixisid wixii gef ah ee kaa dhacay si garsoorku kuu cafiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this