Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidamo ka tirsan NISA oo laga qaaday Muqdisho, lana geeyay furimaha hore

Recommended Posts

Deeq A.   
NISA.jpg?fit=1024%2C683&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda NISA oo dhowaan uun tababar soo dhammeystay gaysay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamadan oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa iska xaadiriyay jiidda hore ee dagaalka, waxayna soo qaateen tababar gaar ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyaga oo si rasmi ah ugu biiray howlgalada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo dhiig cusub ku shubi doono dagaalka ay haatan gaareen deegaanno u dhexeeya degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamada NISA ay aad u qalabeysan yihiin, isla markaana ay wataan gaadiidka dagaalka, iyaga oo fariisimo cusub ka sameystay aagga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka ugu wayn ee ciidamadan loo geeyay halkaasi ayaa ah in ay door muhiim ah ka qaataan howlgalada la doonayo in lagu ciribtiro Al-Shabaabka kasoo gudbay deegaannada dhaca Jiinka Wabiga, kuna soo qul-qulayo gobolka Hiiraan oo hoostaga maamul goboleedka HirShabelle.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ciidamada u sagootiyay ayaa tilmaamay inay wax weyn ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada, maadaama ay heleen tababarro adag oo xirfado sare leh oo ay siisay dowladda Turkiga.

Si kastaba, Gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo hoos u dhacay bilihii lasoo dhaafay ayaa haatan dowladda Soomaaliya ku waddaa dardar-gelin xooggan si mar kale dagaal culus loogu qaado kooxdaas, iyadoo howlgaladu ka socdaan jihooyin dhowr ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this