General Duke Posted December 29, 2009 Garowe: Dhaqaalaha Puntland oo siyaaday. 29. december 2009 Garowe(AllPuntland)- Dawladda Puntland ee Soomaaliya ayaa hor dhigtay todobaadkii hore Miisaaniyada sannadka 2010-ka, taas oo ay ka muuqato korar xoog leh oo ku wajahan dhanka Lacagaha soo galaya dawladda Puntland. Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa meelmariyey oo isku raacay miisaaniyadan, oo ay ka muuqdeen korar xoog leh oo ku wajahan dhanka dhaqaalaha ku dhacaya gacanta dawladda Puntland ee Soomaaliya, lana doonayo in horumarka gacan looga geysto. Wasiirka Maaliyada ee Puntland Dr, Faarax Cali Jaamac oo ka hadlay gudaha baarlamaanka ayaa usheegay in ay lacagaha badan ee korarka ah ku yimaadeen qeymeyn ay samaysay Wasaaradda Maaliyada iyo dakhli abuur badan oo ay sameeyeen. Wasiirku wuxuu cadeeyey in dhaqaalaha badankiisa uu ku bixi doono howlgalada ciidamada iyo amaanka, lama huraana ay tahay sugida amaanka, hadii wax badan laga qabto amaanka oo lasugana ay Lacagaha hada uqoondeysan Amaanka, ay wajahayaan dhinacyada Horumarinta Puntland. Dawladda Puntland ee hada jirtaa ayaa 2 sanno jirsi ku dhaw, waxa ayna mudadii ay jirtay qabatay waxyaabo kala gedisan, inkastoo ay jireen caqabado badan oo ka hor yimid iyo kuwa ay kala wareegtay Xukuumadii ka horaysay. Wasiirka Maaliyada ee Puntland ayaa sheegay in ay jireen waqtigii uu Wasaaradda la wareegay dhibaatooyin kala gedisan oo maanta horumar weyn laga sameeyey, isagoo ugu baaqay dhamaanba dadweynaha Puntland in ay usahlaan ciidamada dawladda ee qaadaya Canshuuraha. Miisaaniyada ayaa aad uga badan Miisaaniyadihii ay ku soo dhaqmaysay Puntland, waxaana dhaqaalaha faraha badan ee hada ka soo muuqday Miisaaniyada sannadka 2010-ka lugu sifeeyey dhaqaale siyaabo kale uga bixijiray laamaha Lacagta in ay markan gacanta dawladda ku soo dhacday. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 29, 2009 Barlamaanka PL oo Ansixiyay Miisaaniyada 2009-2010 62 bilyan oo Sh.Som Wasiirka Wasaarada Maaliyadda PL Dr Farax Cali Jamac ayaa maanta Xafiiskii ku qabtay shir Jara’id oo uu kaga warbixinayo Miisaaniyada 2009 2010 oo ay Barlamaanku ansixiyeen Maalinimadii shalay ahayd taas oo aan saxaafada loo ogalayn xiligaasi isla markaasna todobaad ka hor Barlaamaanka loo gudbiyay Wasiirku waxaa uu sheegay in barlamaanku ay ansixiyeen Miisaaniyada 2010, 62 bilyan oo sh. Som ( lixdan iyo labo Bilyan oo Shilin Somali ah ) bishiiba , kadim markii ay barlamanku ay ka doodeen soona akhristeen, Badnaanta miisaaniyada ayuu wasiirku ku macneeyay in ay sameeyeen labo miisaaniyadood oo uu tan hore ku tilmaamay mid tijaabo ah ayna noqotay 53 Bilyan oo sh. Som , balse ay ku guulaysteen miisaaniyadan hada barlamaanku ay ansixiyeen oo ah 62 bilyan sh.som oo ay Dowladu ay samaysay in ay canshuuraha ay ka qaado Meelo aan horay looga qadi jirin, ‘’lacagta hada Barlamaanku ansxiyay mahan mid Shaqale loo kor dhiyay mushahaar ee waxaa ay lacagtu ku baxaysa Arimo la xirira aminiga madama hadii aan amniga laga shaqayn aan canshuur la qaadi kari iyo sidoo kale arrimaha qabaa’ilada oo ay Dowladu xil iska saartay dhamaynta khilafadkooda, sidaas waxaa yiri Wasirka Wasarada Maliyada PL Dr Farax Cali Jamac’’ Waxaaa uu intaasi raaciyay wasiirku in ay ahayd miisaaniyadaani mid lagu noqday ka shaqaynteeda, isla markaasna ay noqonayso miisaaniyada Rasmiga ah ee ay Dowladu yeelanayso. Waa Misaniyadii ugu Badnayd ee Barlamaanka PL ay Asnixiyaan tan iyo markii maamulka pl la asaasay 1998 dii . C/naasir Yaasiin Salaad Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted December 29, 2009 Now this is what folks would want to hear. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ElPunto Posted December 29, 2009 Actually I wanna hear that the increased monies have been put to x,y and z use. Some accountability would be nice. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 29, 2009 ^^^The Minister has outlined through the budget that security will get a bigger share of the bughet in order to make sure the environment is stable enough for development. This is good news indeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites