Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda TELEGRAM oo qaaday tallaabo ka dhan ah Daacish-ta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
ISIS-DAACISH.jpg?fit=1481%2C1151&ssl=1

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka sare ee shirkadda Telegram ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah kooxda Daacish, iyagoo gebi ahaanba hawada ka saaray bog ay kooxda ku lahayd barxadda Telegram-ka, oo lagu magacaabi jiray Iclaam.

Boggan ayaa loo adeegsan jiray faafinta muuqaallo la xiriira howlgallada ay Daacish fuliso, oo ay ku jiraan dagaallada ka socda Puntland, iyo sidoo kale dacaayadaha kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka ugu weyn ee ka dambeeya tallaabadan uu yahay xakameynta baraha bulshada ee kooxda Daacish, si loo wiiqo awooddeeda, gaar ahaan ololaha ay ku qoratay dhalinyarada caalamka iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Tallaabadan waxay kusoo beegmaysaa xilli Daacish ay cadaadis xooggan kala kulmayso ciidamada Puntland iyo xulafadeeda caalamiga ah, kuwaas oo si joogto ah u weerara xarumaha kooxda ee ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Ma cadda in go’aankan uu la xiriiro dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo horay u xirtay akoonnada ay baraha bulshada ku lahaayeen Al-Shabaab, tallaabo qayb ka ahayd dagaalka dowladda ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

Dhanka kale, kooxda Daacish ayaa durba sameysatay warbaahin cusub oo ay kusoo bandhigtay Facebook, kanaalkaas oo lagu magacaabo Taageere Radio Hijratayn. Warbaahintan ayaa si joogto ah u faafisa dacaayadaha iyo dagaallada ay kooxda kula jirto ciidamada Puntland.

Kooxda Daacish ayaa hadda wajahaysa xaaladdii ugu adkeyd, iyadoo xalay laga burburiyay warshaddii ay u adeegsan jirtay farsamaynta qaraxyada, kadib duqeyn culus oo ka dhacday aagga buuraha Calmiskaad. Weerarkan ayaa sidoo kale sababay in lagala wareego saldhigyo waaweyn oo kooxda ku lahayd halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this