Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Trump oo si xun u bah-dilay madaxda Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   
Belgium_Europe_US_Trade_202545246228.jpg

Brussels (Caasimada Online) – Yurub looguma yeeri doono miiska wadahadallada nabadda ee Ukraine, sida uu sheegay ergayga Donald Trump ee arrimaha Ukraine Sabtidii, kadib markii Washington ay su’aalo u dirtay caasimadaha Yurub si ay u ogaato kaalintooda ku aaddan dammaanad-qaadka ammaanka Kyiv.

Waa tallaabo kale oo maamulka Trump ku bah-dilay reer Yurub, oo qarniyo ku daba feelnaa Mareykanka, una ahaa nacamleeyayaal. 

Trump ayaa si lama filaan ah u wacay madaxweyne Vladimir Putin isagoon la tashan Yurub ama Kyiv, wuxuuna ku dhawaaqay in wadahadallada nabadda la billaabayo si degdeg ah. Arrintan ayaa si weyn uga yaabisay xulafadiisa Yurub toddobaadkan.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Trump ayaa sidoo kale caddeeyay inay filayaan in xulafada Yurub ee NATO ay qaataan mas’uuliyadda ugu weyn ee gobolka, maadaama Maraykanku hadda diiradda saarayo arrimo kale, sida amniga xuduudaha iyo la dagaallanka Shiinaha.

Tallaabooyinka Maraykanka ayaa kiciyay cabsi laga qabo in Yurub laga saaro heshiis nabadeed oo saameyn ku yeelan doona amnigeeda, gaar ahaan haddii uu heshiiskaasi u muuqdo mid u janjeera dhinaca Moscow.

“Maraykanka ayaa wadahadalka hogaaminaya”

Ergayga Trump, Keith Kellogg, oo ka hadlayay shirweynaha ammaanka caalamiga ah ee Munich, ayaa sheegay in Maraykanku ka dhex shaqeyn doono wadahadallada nabadda, halka Ukraine iyo Ruushku ay ahaan doonaan labada dhinac ee ugu muhiimsan.

Markii la weydiiyay suurtagalnimada in Yurub lagu daro wadahadallada, Kellogg wuxuu yiri: “Anigu waxaan ka tirsanahay mad-habta xaqiiqada. Waxaan aaminsanahay in taasi dhici doonin.”

Si kastaba ha ahaatee, mar uu hadal ka jeediyay munaasabad kale oo ka dhacday shirweynaha, Kellogg wuxuu isku dayay inuu cabsida ka dulqaado Yurub isagoo xusay in tani aysan la macno ahayn in “danahooda aan la tixgelinayn, la adeegsanayn ama la horumarinayn.”

“Yurub waa inay ka qayb qaadataa”

Madaxda Yurub ayaa ku adkeystay inaysan aqbali doonin in laga reebo wadahadallada.

“Ma jiro waddo suurtagal ah oo lagaga hadli karo Ukraine, mustaqbalka Ukraine ama nidaamka amniga Yurub iyada oo aan la helin Yurub,” ayuu yiri madaxweynaha Finland, Alexander Stubb, oo kula hadlayay wariyeyaasha Munich.

“Laakiin tani waxay ka dhigan tahay in Yurub ay tahay inay is abaabusho. Waa inay hadalka yareeyaan oo ficil badan muujiyaan.”

Stubb wuxuu sheegay in su’aalaha ay Maraykanku u direen Yurub ay ku qasbi doonaan in Yurub si qoto dheer uga fakarto mowqifkeeda.

Diblomaasi ka tirsan Yurub ayaa sheegay in dokumentiga Maraykanka uu ka koobnaa lix su’aalood, mid ka mid ahna si gaar ah loogu talagalay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

“Maraykanku wuxuu la xiriirayaa caasimadaha Yurub isagoo waydiinaya inta askari ee ay diyaar u yihiin inay geeyaan,” ayuu yiri diblomaasi kale.

Dowladda Faransiiska ayaa wadaxaajood kula jirta xulafadeeda si ay u qabato shir aan rasmi ahayn oo ay isugu yimaadaan madaxda Yurub si looga wada hadlo arrimahan, inkastoo aan weli wax go’aan ah laga gaarin, sida ay sheegtay madaxtooyada Faransiiska Sabtidii.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Poland, Radoslaw Sikorski, ayaa sheegay in kulankaasi la qaban doono Isniinta.

Xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte, ayaa sidoo kale ku booriyay Yurub inay ficil muujiyaan.

“Saaxiibbadayda Yurub, waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad wadahadalka gashaan. Halkii aad ka cataabi lahaydeen in miiska la idinku casuumi doono iyo in kale, waxaad la timaadaan talooyin cad, fikrado iyo miisaaniyad kor loo qaado oo la geliyo difaaca,” ayuu ka sheegay Munich.

“Yurub waa inay dhisato ciidan u gaar ah”

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy, ayaa horey ugu baaqay in Yurub ay yeelato ciidan u gaar ah, isagoo sheegay in qaaraddu aysan hadda hubin inay heli doonto difaac buuxa oo Maraykanku dammaanad qaado.

Zelenskiy wuxuu intaa ku daray in Kyiv aysan waligeed aqbali doonin heshiis laga gaaro iyada oo aan la tixgelin.

“Aan si daacad ah u sheegno – hadda ma dhayalsan karno suurtagalnimada in Maraykanku uu Yurub ka hor istaago arrimaha halista ku ah,” ayuu yiri Zelenskiy, isagoo xusay in dagaalka Ruushka uu galay sannadkiisii afaraad.

Wuxuu intaa raaciyay in ciidanka Yurub – oo ay Ukraine qayb ka tahay – uu lagama maarmaan u yahay in mustaqbalka qaaradda “ay ka go’do Yurub lafteeda – ayna Yurub go’aanno u gaarto iyada oo aanay jirin wax faragelin ah.”

Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Yurub waxay haatan iskaashi ciidan ku leeyihiin NATO, waxayna marar badan diideen baaqyo kala duwan oo lagu doonayay in la dhiso ciidan midaysan oo Yurub leedahay, iyagoo ku doodaya in difaaca uu yahay arrin qaran oo gooni u taagan.

Sarkaal sare oo ka tirsan mid ka mid ah dalalka Bariga Yurub ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa si aan toos ahayn uga horyimid fikradda Zelenskiy ee ciidanka Yurub, isagoo yiri: “Waxaa horey u jiray ciidan Yurub ah oo la yiraahdo NATO.”

Si kastaba ha ahaatee, xitaa iyadoo isbeddelka siyaasadeed ee Maraykanka laga dareemayo Yurub, wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka G7 – oo ay ku jiraan Maraykanka – ayaa Sabtidii ku heshiiyay bayaan ay ku ballan-qaadayaan inay sii wadaan wada-shaqeynta si loo helo heshiis nabadeed oo waara oo Ukraine lagu siiyo dammaanad ammaan oo xooggan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this