Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga filayaa guddoomiyaha cusub ee Ururka midowga Afrika?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti danjire Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhowaan loo doortay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ka dib tartan adag oo uu la galay murashixiin ka kala socatay dalalka Kenya, Madagascar, iyo Muritaaniya.


Danjire Maxamuud Cali Yuusuf waa rugcaddaa dublumaasiyadeed oo in ka badan 20 sano ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Jabuuti, sidoo kalena xilal kale oo kala duwan ka soo qabtay dowlada dalkaas.

Wuxuu si wanaagsan ugu hadlaa afafka ay inta badan dadka qaaradda Afrika ku hadlaan, sida Faransiiska, Ingiriiska, Carabiga, canfariga, iyo Af-soomaaliga, taas oo ah awood gaar ah oo uu dheeryahay guddoomiyaashii ka horreeyay.

Haddaba caqabadaha qaaraddu hadda ay wajahayso ee xalkooda  guddoomiyaha cusub laga sugaayo waxaa kamid ah colaadaha ragaadiyay dalal qaaradda kamid ah sida dagaalka Suudaan, xasradaha Congo DRC, iyo halis argagixiso ee ka jirta bariga, waqooyiga, iyo galbeedka Afrika.

Sidoo kale waxyaabaha wax ka qabashada uga baahan waxaa kamid ah xallinta xiisadaha ka dhex aloosan dalalka Afrika qaarkood, xal u helidda heerka saboolnimada iyo xakamaynta cudurrada faafa, kor u qaadidda wax soo saarka iyo hal-abuurka qaaradda.

Afrika oo ay ku noolyihiin in ka badan 1.2 bilyan oo qof ayaa u baahan hormar iyo dhex-gal bulsho oo nabadgelyada iyo dhaqaaluhu horseed u yihiin, guddoomiye Maxamuud Cali Yuusufna waxaa laga filayaa wax qabad ka baaxad weyn wixii qaaradda u hirgalay tobanaankii sanoo la soo dhaafay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this