Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma Imaamka u doodi jirey kooxda LGBT ee lagu diley Koonfur Afrika ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Gqeberha ee dalka Koonfur Afrika waxaa lagu toogtay Muhsin Hendricks oo ahaa imaam Koonfur Afrikaan ah, sidoo kalena ahaa caalim Islaami ah oo dhaqdhaqaaqa dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda ee loo yaqaanno LGBT.


Nin oo maamuli jirey masaajid ayaa la toogtay, ka dib markii gaari uu la socday rasaas lagu furay, sida ay sheegeen booliiska gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Muhsin Hendricks ayaa loo arkaa imaamkii ugu horreeyay ee asagoo masaajid maamula, haddana ka tirsanaa kooxda LGBT, waxaana dilkiisa loo xiray laba tuhmane sida laga soo xigtay laamaha ammaanka Koonfur Afrika.

Ninkan oo 57 jir ahaa ayaa Imaamka ka ahaa oo maamuli jiray masaajid loogu tala galay inuu gabaad u noqdo kooxaha isku jinsiga ah ee isku galmooda iyo Muslimiinta kale ee la hayb sooco, lamana oga waxa uu dilkiisu salka ku hayo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this