Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Sheekh Shariif oo shaaciyey arrin loo diiday, runtana u sheegay DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Shariif.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay waxyaabaha ay isku hayaan xukuumadda, isagoo cadeeyey in dadka Soomaaliyeed aan xoog iyo cagajugleyn lagu maamuli karin.

“Ninka raba qori inuu dadka ku qabsado waxaan leeyahay qori dadkii wadaa iska dhigay ee iska dhig qoryahana waa lagaa badiyaa oo guri kasta ayey yaalaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed uu maamuli karo siyaasi aan xigto aqoon oo qofkii qaldan, xitaa carruurtiisa.

“Madaxdeena waan aqoonsanahay, laakiin qalad kuma taageereyno, waxaan ugu sheegeynaa kor iyo hoos qaladkiisa, wax kale ma jiraan, anigu waxaan aaminsanahay in la soo gaaray xiligii umadda Soomaaliyeed ay Tashan laheyd,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa dowladda ku eedeeyey in ay diiday in lagu shiro hoteellada, isagoo sheegay in guri ay ku shirayaan, balse aysan jirin cid dhihi karta “Maxaa ugu shirteen gurigaan.”

“Xitaa waxaa noo muuqata in guryaha la isaga daba imaanayo, laakiin meeshaan meel aan ka noqon karno maaha, gurigeena korkiisa inaan ku shirno kama carari doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Hadalkaan ayuu Sheekh Shariif ka sheegay goob u uku shiriyey maanta xubno kamid ah taageerayaashiisa, isagoo dowladda ugu baaqay in ay joojiso xoogga ay wax ku xalineyso oo talada dhexda soo dhigto, ogolaatana in laga saxo wixii ka qaldan.

Kulankaan uu Sheekh Shariif qabtay ayaa ku soo aaday iyadoo maalmo ka hor ciidamada ammaanka ay Muqdisho ka joojiyeen kulan ay qabsadeen xubno mucaarad ah, waxaana hoteellada Muqdisho laga mamnuucay in lagu qabto kulamo looga soo hor jeedo dowladda.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this