Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Sida cajiibka ah ee Maxamuud Cali Yuusuf uga adkaaday Raila Odinga

Recommended Posts

Deeq A.   
Mahmoud-Ali-Youssouf-scaled.jpg?fit=2560

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Diblomaasiyiin yar ayaa leh waayo-aragnimo la mid ah tan Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, kaas oo Sabtida manta ah loo doortay inuu hoggaamiyo guddiga fulinta Midowga Afrika.

Maxamuud ayaa helay taageerada loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka oo ku shiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka ka ah qaaradda oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.

Diblomaasiga 59-jirka ah ayaa loo arkayay mid fursado yar leh marka la barbardhigo siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay amaaneen ololihiisa xasilloon ee uu ku doonayay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, si uu hoggaanka ugu qabto ururka Midowga Afrika.

Siyaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti, oo ka mid ah dalalka ugu dadka yar qaaradda, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah.

‘Dhibaato dhanka maamul wanaagga ah’

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in qaar ka mid ah dalalka Afrika ay la daalaa dhacayaan “dhibaato dhanka maamul wanaagga ah,” gaar ahaan kuwa ay dhawaan ka dhaceen afgambi.

“Qaaradda waxaa haatan ka taagan caqabado badan,” ayuu u sheegay AFP bishii December.

Wuxuu xusay in haddii uu qabto xilka guddoomiyaha guddiga, “nabadda iyo amniga” ay noqon doonaan mudnaanta koowaad ee shaqadiisa.

Waxa uu la tacaali doonaa colaadaha ba’an ee ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo Suudaan, iyo sidoo kale dhimista baaxadda leh ee gargaarka horumarineed ee uu amray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dadka qaaradda ayaa si weyn uga walaacay go’aanka lagu dhimay maalgelinta hay’adda USAID, iyada oo khubaradu ka digayaan in tani ay dhibaato weyn ku keeni doonto dadaallada bani’aadantinimo ee Afrika.

Maxamuud ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga hadlo Trump, isagoo u sheegay AFP bishii December – kahor inta uusan xilka la wareegin madaxweynaha Mareykanka – in siyaasaddiisa loo qiimeyn doono “si caddaalad ah oo aan eex lahayn.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this