Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo war ka soo saaray kursiga muhiimka ah ee uu guushiisa ka shaqeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-3.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo maanta loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu wax badan ka qabto arrimaha muhiimka ah ee horyaalla, asagoo sidoo kale bogaadiyay shaqadii uu soo qabtay Guddoomiyihii hore ee Midowga Afrika Muuse Faki Maxamed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka Meertada 38-aad ee shirka Madaxda Dowladaha iyo Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kaalin weyn ka qaatay guusha Maxamuud Cali Yuusuf, isaga oo dadaal iyo olole xooggan ku garab istaagay.

Diblomaasiyiin yar ayaa leh waayo-aragnimo la mid ah tan Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, kaas oo Sabtida maanta ah loo doortay inuu hoggaamiyo guddiga fulinta Midowga Afrika.

Maxamuud ayaa helay taageerada loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka oo ku shiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, taas oo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka ka ah qaaradda oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah.

Diblomaasiga 59-jirka ah ayaa loo arkayay mid fursado yar leh marka la barbardhigo siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay amaaneen ololihiisa xasilloon ee uu ku doonayay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, si uu hoggaanka ugu qabto ururka Midowga Afrika.

Siyaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Jabuuti, oo ka mid ah dalalka ugu dadka yar qaaradda, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah.

480150034_1137393845093887_1214229816041

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this