Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamaas oo saddex Israa’iiliyiin ah ku beddelatay 369 maxbuus oo Falastiiniyiin ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Xamaas, ayaa maanta mar kale dooratay meel aan ka fogeyn gurigii hoggaamiyahoodii Yaxye Sinwar, oo ku yaalla Khan Yonis ee koonfurta Qasa, si ay u sii daayaan saddex Israa’iiliyiin ah oo ay ku beddelanayaan 369 maxbuus oo Falastiiniyiin ah. Saddexda Israa’iiliyiinta ee maanta la sii daayay, ayaa kala ah ; Sagui Dekel-Chen, oo ah muwaadin Mareykan iyo Israa’iili ah, maxbuuska labaad ee la sii daayay, Alexander Trufanov, oo 29 jir ah,waa muwaadin Ruush iyo Israa’iili ah oo markii hore qoyskiisa ay ka soo haajireen Ruushka, Aabbihii waxaa lagu dilay weerarkii 7 Oktoobar, Hooyadiis iyo ayeeyadiis oo ka mid ahaa maxaabiistii la soo qabtay ayaa la sii daayay intii lagu jiray heshiiskii bishii November,2023. Maxbuuska saddexaad, waa ; Yair Horn, oo 46 jir ah oo ay qoyskiisa ka soo haajireen Argentina. 369 maxbuus oo falastiiniyiin ah ee la filayo in laga sii daayo xabsiyada Israa’iil, oo lagu beddelanayo saddexda maxbuus ayaa dhankooda loo kala qeybin doonaa; 29 ka mid ah maxaabiista ayaa ka soo jeeda Daanta Galbeed ee la haysto, halkaa oo dib loogu celinayo, 7 , waxaa la geynaya bariga Qudus oo ay ka soo jeedaan, 24 ayaa loo masaafurin doonaa dalka Masar – 333 maxbuus waxay ku laaban doonaan marinka Qasa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this