Deeq A. Posted February 15 Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa murashaxa dowladda Jabuuti ee guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa dhowaan ku guulaystay xilkaas, ka dib markii uu ka adkaaday Raila odinga oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya. Maxamuud Cali Yuusuf oo ah dublumaasi muddo dheer hayay xilka Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa uu dhashay sanadkii 1965, wuxuuna dugsiga sare ka baxay sanadkii 1985-tii. Intii uu dhexaysay sanadihii1988-dii, waxa uu ka baxay Jaamacadda Liverpool ee dalka Ingiriiska, asagoo bartay cilmiga maamulka ganacsiga. 1995-tii, wuxuu shahaadada maamulka ka qaatay Université Laval ee dalka Canada, ka dibna waxa uu ku biiray siyaasadda dalkiisa Jamhuuriyadda Jabuuti. Xilalka uu soo qabtay danjire Maxamuud Cali Yuusuf waxaa kamid ah Wasiiru-dowlaha iskaashiga caalamiga ah oo uu hayay intii u dhexaysay 2001-dii ilaa 2005-tii. Sidoo kale wuxuu muddo 19 sano ah oo ahayd intii u dhexaysay sanadihii 2005-tii ilaa 2024-kii ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Maxamuud Cali Yuusuf oo ah dublumaasi rugcaddaa ah ayaa ku hadla dhowr luuqadood oo ay kamid yihiin Ingiriiska iyo Faransiisku, waxaana loo arkaa nin karti iyo waaya-aragnimo ku filan u leh hoggaaminta iyo hagaajinta xariirada dublumaasiyadeed. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites