Sign in to follow this  
Deeq A.

Hanti-dhowraha Qaranka oo loo haysto dambi culus, loogana yeeray maxkamad

Recommended Posts

Deeq A.   
Guutaale.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u yeertay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale oo loo haysto dambi culus, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Cali Maxamuud.

Eedda loo soo jeediyay Guutaale ayaa ka timid Xeer-ilaalinta Qaranka, waxaana loo haystaa inuu ku xad-gudbay madax-banaanida garsoorka dalka, sida lagu caddeeyay bayaanka.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa lagu amray inuu maxkamadda hortago maalinta berri ah, taariikhduna ay tahay 16/02/2025, si wax looga waydiiyo eedeymaha loo haysto.

“Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, kuna eedeysan qod. 254, 257 iyo 267 XCS, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Haddii aan ku horimaan wayso Maxkamadda mudada ay kuu qabatay waxay Maxkamaddu qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan”.

Go’aankan ayaa durbo dhaliyay hadal-heyn xooggan, wuxuuna bannaanka usoo saaray khilaaf cusub oo ka dhexeeya Hanti-dhowrka Qaranka iyo bahda garsoorka dalka.

Horay labada xafiis ayaa u qaaday tallaabooyin isla xisaabtan ah oo lagu soo xiray mas’uuliyiin dowladeed oo qaarkood lagu helay musuq-maasuq, laakiin hadda waxa ay ka dhex-tafatay saddexda xafiis ee kala ah, Hanto-dhowrka, Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda.

480166630_653143287372356_1073028973643122.jpg?resize=696%2C757&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this