Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsan DF oo lacag ka dhacay xujey Soomaaliyeed oo u baxsaday dalka…

Recommended Posts

Deeq A.   
b0835d5a-02d1-4f6e-b6d3-4769a35c2dda.jpe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan adeegga xajka ee sanadkan.

Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan koox tuugo ah oo ka dhex faa’iideysanaya wasaaradda iyo xujeyda, wuxuuna tilmaamay in sanadkii lasoo dhaafay ay arkeen dad adeegsanayo magaca wasaaradda, isla markaana lacago ka qaatay xujey badan oo Soomaaliyeed.

“Waxaan aragnay sanadkii hore kooxo tuugo ah oo raba inay magaca wasaaradda isticmaalaan ku qarabaanayo oo dadkii dhahayo Viso iib ah ayaan haynaa wasaaradda ayaana nahay” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya.

Roobow ayaa xusay in mid kamid ah dadkaasi dhacay xujeyda uu ku jiray mas’uu ka tirsanaa wasaaradda oo uu tilmaamay inuu dhacay 42 kun oo dollar, kadibna uu aaday Mareykanka.

”Nin wasaaraddan ka tirsanaa shaqadaas cid u dirsatayna aan la arag baa dad ay is yaqaaneen inta uu u tegay ku yiri fiisooyin la iibinayo ayaan hayaa ee keena lacag, isaga oo ka aruursaday 42 kun oo dollar kadibna wuxuu u galay Mareykanka” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli kiiskaasi uu taagan yahay, ninkaasina ay dacwad ka geeyeen maxkamad, isla markaana ay ku daba joogto dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo hadalkiisa sii wat ayaa digniin culus u diray dadka xujeyda ka qaadaya lacagaha ka baxsan jaangoynta adeegga xajka, wuxuuna shaaca ka qaaday in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan, si loola xisaabtamo.

“Taas oo kale hadda ma jirto Viso ay leedahay dowladda oo la iibinayo haba yaraatee ma jirto mana dhaceyso, waxaan rabnaa dadkaas tuugada ah in aysan idin sirin” ayuu yiri.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this