Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Somaliland ka tiri tallaabadii Imaaraadka uu qaaday ee ka careysiisay DF?

Recommended Posts

Deeq A.   
Cirro-1.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si faahfaahsan uga hadashay booqashadii uu dhowaan madaxweynaha maamulkaasi, Cabdiraxmaan Cirro, ku tegay dalka Imaaraadka Carabta.

Somaliland ayaa si weyn oo mug leh ugu mahadcelisay dowladda Imaaraadka, oo ay tilmaantay in soo dhoweyn diirran ay u samaysay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Waxa ay intaa ku dartay in arrintani ka tarjumayso sida ay Somaliland diblomaasiyad ahaan qayb uga tahay madalaha caalamka, iyo sida ay uga go’an tahay inay iskaashi la sameyso beesha caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sidoo kale xustay in natiijo wanaagsan laga soo hooyay socdaalkaasi, isla markaana la gaaray guulo la taaban karo.

“Si loo xaqiijiyo in natiijooyin la taaban karo ay ka soo baxaan kulamadaasi, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland waxa ay samaynaysaa koox dabagal ku samaysa, oo isku xidha wasaaradaha ay khuseeyaan arrimahaasi, isla markaana sameeya istaraatiijiyad la raaco,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Mahadcelintan ayaa timid kadib markii dowladda Imaaraadka Isu Tegga Carabta ay ‘Dal ama Jamhuuriyad’ ugu yeertay maamulka Somaliland, iyadoo weli Abu Dhabi ay sii waddo xadgudubyada ay ku hayso madax-bannaanida iyo qarannimada dhuleed ee Soomaaliya.

Imaaraadka, oo horey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ugu casuumay Shirka Dowladaha Adduunka ee halkaas ka socda, isaga oo la siiyay darajada madaxweyne dal, ayaa haddana wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka ee WAM waxay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay si weyn ugu mahadnaqday dowladda Imaaraadka Carabta soo dhaweynta ay u muujisay madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, intii uu booqashada rasmiga ah ku joogay dalkaasi.

Warsaxaafadeedkan, oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro uu ka qayb galay Shirka Dowladaha Adduunka, isaga oo madaxda caalamka, maalgashadayaasha, iyo siyaasiyiinta jaangooya kala qayb galay horumarinta ajandayaasha diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Somaliland.

Wadahadallada uu madaxda adduunka la yeeshay Madaxweyne Cirro ayaa iftiimiyay doorka istaraatiijiyadeed ee Somaliland iyo xidhiidhka ay la leedahay Imaaraadka Carabta, oo ah dal saaxiib ganacsi la ah Somaliland isla markaana kaalin weyn ka qaata ammaanka Geeska Afrika.

War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Cirro intii uu booqashada ku joogay dalka Imaaraadka Carabta uu kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta Imaaraadka, madaxda xarunta ganacsiga, Bangiga Dhexe ee Imaaraadka, iyo madaxda sare ee DP World, oo uu kala hadlay sidii loo kobcin lahaa ganacsiga, maalgashiga, iyo iskaashiga dhaqaale.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu waraysiyo kala duwan la yeeshay warbaahinta waaweyn ee caalamka, taasoo sii xoojisay himilada Somaliland ee dhinaca aqoonsi raadinta iyo kobcinta dhaqaalaha.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in soo dhawaynta diirran ee ay Dubai u samaysay madaxweynaha ay ka tarjumayso sida ay Somaliland diblomaasiyad ahaan qayb uga tahay madalaha caalamka, iyo inay ka go’an tahay inay iskaashi la samayso caalamka.

“Si loo xaqiijiyo in natiijooyin la taaban karo ay ka soo baxaan kulamadaasi, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland waxa ay samaynaysaa koox dabagal ku samaysa, oo isku xidha wasaaradaha ay khuseeyaan arrimahaasi, isla markaana sameeya istaraatiijiyad la raaco,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu soo gabagabeeyay: “Xukuumadda Somaliland waxa ka go’an kobcinta maalgashiga, xoojinta xidhiidhka labada dal, iyo horumarinta kobaca dhaqaale ee mustaqbalka fog. Waxaanu Madaxweyne Cirro iyo weftigiisa ku bogaadinaynaa sida ay uga qayb-gelayaan masraxa caalamiga ah, waxaana aanu mar kale xaqiijinaynaa dedaalka aanu ugu jirno sidii Somaliland ku heli lahayd maqaam caalami ah.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this