Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb-galay Shirka dalalka Midowga Afrika oo Itoobiya ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1739629656224.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka Meertada 38-aad ee shirka Madaxda Dowladaha iyo Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Afrika, oo ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxda ayaa ku howllan doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika iyo Kuxigeenkiisa, iyadoo dowladda Federaalka ay ka qaadanayso doorkeeda ku aaddan isbeddelka hoggaanka Midowga iyo sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa hannaanka shaqo ee Hay’adaha Midwoga Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay Shirka Nabadda iyo Amniga Afrika oo lagu qiimeynayey caqabadaha iyo guulaha laga gaaray hawlgallada nabad-ilaalinta ee ka socda qaaradda Afrika. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda Midowga Afrika ee xal u helidda caqabadaha kajira Qaaradda si looga wadashaqeeyo horumarka iyo xasilloonida.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb-galay Shirka dalalka Midowga Afrika oo Itoobiya ka furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this