Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Jiilka Lumay (Abdullahi Yuusuf), iyo Jiilka Badelay (Sh. Shariif Sh. Axmed)!

Recommended Posts

October 14th, 2006

Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Jiil Saaqiday:

 

By Abdirahman Warsame

 

Isbedelka baaxadda wayn ee Soomaaliya ka dhacay cid waliba si ayey ugu diirsatay siyaabo kala duwanna way ugu riyaaqday. Qaar waxay si wayn ugu riyaaqeen eryiddii hogaamiye kooxeedkii afduubka ummadda sanadaha badan ku haystay, taasoo ay mucjiso ku tilmaameen, qaar waxay soo dhoweeyey ammaanka iyo kala danbaynta, qaar kale waxay ka eegeen guusha maxkamadaha in ay tahay wado billaw ah oo ummada aafada qabyaaladeed ee macno darida ah looga bixin karo, laguna gaari karo dan qaran oo midaysan.

Maqaalkani wuxuu isku deyi doonaa inuu arrinka dhinac kale ka eego guusha maxaakimta, taaso ah fariisinta ama in hawlgab laga dhigo waxa maqaalku ugu yeeray fac fashilmay ama jiil saaqiday. Sida keli ah ee ay maxkamaduhu facan ama jiilkan aanu hoos ku qaadaa dhigi doono u hawlgebin karaan waa in ay iyaga ka socmaan oo ay dhaqan iyo aragti ka duwan la yimaadaan, laakiin hadii ay caqliyad iyo habdhaqan la mid ah kooxaha la yimaadaan wax wayn ma doorin doonaan halkudhigga diineedkana wax wayn uma shafeeci doono.

 

Fac Fashilmay ama Jiil Saaqiday.

 

Afartankii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya waxaa majaraha siyaasada u hayey waxa lagu tilmaami karo Fac ama Jiil fashilan. Jiilkani wax badan oo ay ummadu higsato sooma hoynin. Waxaa la oran karaa Facii hogaanka hayey tobankii sano ee hore oo intooda badanna ay xijaabteen ama cimri meel dhigay waa ay yara dhaameen kuwa hogaanka hayey 20kii sano ee ka danbaysay siyaasadana dhex boodayeyna 15 sano ee ina dhaaftay welina usoo taagan in ay saaqidnimadooda halkii kasii miisaan, iyagoo weliba isku haysta in ay yihiin indheergarad siyaasadeed oo dawladnimada Soomaaliya in wax laga waydiiyo ay tahay, la’aantoodna ayan waxba kala socon karin.

 

Halkudhigoodu waa “ Siyaasada lagama fariisto ee waa laga dhintaa†sababta ugu wayn ee ay sidan u leeyihiina waa in ayan lahayn xirfad ama mihnad kale oo ay ku xamaashaan ama ku xoogsadaan. Waxaad arkaysaa, rag wasiiro , wasiir ku xigeeno, agaasimayaal, wakiilo wasaaradeed, iyo kuwo la mid ahaan jirey, hatana goobaha fadhi ku dirirka iyo maqaayadaha shaaha Soomaalida ka cabaan dalka iyo dibadaba tuban oo aad moodo in ay shaqaale goobahaas si full time ah uga shaqeeya yihiin. Dadka xilalka caynkaan ah soo qabtay dunida inteeda kale waxay u shaqa tagaan hay'adaha caalamiga, ganacsiga gaarka loo leeyahay, hay'adaha cilmi baarista, xarumaha waxbarshada, waxay noqdaan la taliyayaal, laakiin jiilkani arrinkan kama soo bixi karaan karti ay ugu qumaanna ma lahan sidaa daraadeed waxay u dhexeeyaan fadhi kudirarka maqaayadaha iyo shirarka Soomaalidda. Marka keli ah ee aad fadhikudirarka muuqooda ka weyneysid waa xilligii shir dib u heshiineed meel laga furo, waxaad arkaysaa kuwiiyo jubbado iyo suudad isku raray boorsooyinna sii garabsan, “waa siyaasiga beesha†labo maalin ka dib BBC ayaaba warkiisa laga hayaa oo busaaradii waa ay daysay.

 

Facani waa kan god ku riday midnimadii ummadda Soomaaliyeed oo ummadii kala irdheeyey, Waa kan falsafadii dawladnimo iyo macnadeeda dadka u baray hanti la booboo iyo amar lagu gabood falo, waa kan abuuray xilka ka qaad ama xabsiga dhig, aniguu ii xiran yahay, boono ii qor, wiillkan meel dhacdhac leh iigu meeleey. Waa kan sababay in muwaadinkii Soomaaliyeed wadankiisa uu muwaadin darajo labaad iyo sedexaad ku noqdo, waa kuwa shacabwaynihii danta guud iyo tan gaarka ah isaga dhexyaaciyey, waa kuwa afkeena hooyo xarafka KA kusoo siyaadiyey . Ruuxu markuu hanti uu isagu shaqaystay guri ka dhisto waxaa la yiraahdaa hebel guri qurux badan ayuu dhistay, hadii hantidiisa u bulaashaanna waxaa la yiraahdaa ilaaheey waa u barakeeyey, laakiin qolyaha hantida guud ama tan samafalka dhaca dadku waxay yiraahdaa hebel Guri ayuu KA dhistay, hanti ayuu KA faraqabsaday, halkaas ayuu KA noolaaday, KA tabcaday ). Waa kuwa qabyaaladdii innagu qarribay oo dadkii qaran illowsiiyey, waa kuwa qorshahoodu ahaa qaybi oo xukum, bulshadiina jufooyin iyo jilibyo u kala jejibiyey, waa kuwa sidii ay innoo sideen nagu dhex tuuray badwayn afar iyo bar la yiraado 4.5 oo damiirkoodu siiyey in qabaa’iil soomaaliyeed la yiraado jab ama nus ayaad tihiin.

 

Qolyahani waxay u adeegga bulshada u haystaan in ay awood tahay, qaamuuskooda waa ay ka maran tahay weedha cadaaladda, islaxisaabtanka, awood wadaaga, saraynta sharciga, kartida iyo hufnaantao. Marka aad aragto qolyahan uma baahnid in aad si wayn isku waydiiso waxa soo dedeiyey qiyaamihii qarankii Soomaaliyeed. Xadiis nabiga laga wariyey ayaa ahaa NNKH “ Hadii hogaanka loo dhiibo cid aan ehelkiisa ahayn waxaad dhowrtaan waa qiyaamihii†Sidaas daraadeed qarankii Soomaaliyeed qiyaamihiisii ayaa dhacay markii uu qool u galay qolo aan ehelkiisa ahayn.

 

Qolyahani gebi ahaanba waxaysan garawsanayn , in jiil Soomaaliyeed ee cusub oo aqoon, karti iyo hufnaan leh soo kacay, kuwaasoo ku kalsoon qiyamkooda asaliga ah kuna hubaysay cilmiga casriga ah.

 

Ujeedkayga ma ahayn in aan ku dheeradu ka faallaynta jiilkan laakiin waa lagama maarmaan in tooshka lagu ifiyo sababtoo ah waa jiil saaqiday oo fashilmay, umadoodiina saaqidiyey oo fashiliyey. Mar qura ayaan markii kacdoonka uu dhacay ay iska waayeen shaashada hogaaneed ee ummadda, inkastoo ay meelaha qaarkooda ka taliyaan sida Hargaysa, Boosaaso iyo Baydhabo. Rajo siyaasadeed uma soo muuqato ummadda Soomaaliyeed inta facaas saaqiday uu siyaasi u yahay, facani waa inuu ummadda ka fariistaa, sida muuqatana diyaar uma ah inuu fariistee waa in laga fariisiiyaa sida Muqdisho ka dhacday.

 

Ka sakow maxkamaduhu in ay Muqdisho iyo gobollada ku dhow, nabadgelyo kusoo dabaaleen, hogaamiye dagaalkii eryeen, bulshadii hiyi cusub u kiciyeen, waxay ahaayeen jiil cusub oo siyaasadda Soomaaliya u kacay. Intooda badan waa rag dhalinyaro ah oo saaxada siyaasada ku cusub, cusaybkaas qudhiisa ayaa abshir billaw ah.

Maxkamaduhu waa in ay facan digtooni iyo taxadar ka qabaan, waa ay shaatiyo badan yihiin ( Bulsho Rayad ah, Oday dhaqameed, Indheergara siyaasadeed, iwm). Inkastoo qaarkood ay mucaaradnimo la soo mutuxan yihiin qaarna dhoollacadayn iyo mujaamalo aan meel fog jirin maxkamadaha tusayaan waa in aan lasoo kala soko marsan, laakiin aanan hal mar lawada tuurin ee mid walba xilligiisa loo fiiriyaa.

 

Dabcan shaki kuma jiro in ay jiraan xubno ka mid ah jiilkan oo sharaf iyo wadaniyad leh, qiimo iyo qadarinna mudan, laakiin waxa aan ka hadlayaa waa intooda badan facan.

 

 

 

Maxkamaduhu waa in ay wadada u xaaraan soona dhowaystaan jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Hadaba waxaa iswaydiin leh waa ayo jiilkan? Sideyse maxkamaduhu iyo jiilka cusub ee ay ka mid yihiin uga soocnaan karaan jiilkan saaqiday ama facan fashilmay

 

Aragti cusub

 

Maxkamadaha waxa looga fadhiyaa in ay aragti cusub la yimaadaan taasoo ka amba qaadaysa sedex qodob oo aasaasi ah.

 

1- Kalafujinta Qabyaaladda iyo siyaasada: Maxkamadahu waa inay si aan kala reeb lahayn oo geesinimo xikmadi ku dheehan tahay u kala siibaan labadan cunsur ee in mudo ah isku milganaa. Taasina waxa lagu garawsan karaa in la sameeyo halbeeg lagu xulo dadka hogaanka iyo xilka qabanaya, halbeegani waa inuu noqdaa aqoon, karti, hufnaan wadaniyada, intaas ka horna uu ruuxu aaminaa labo arrin, Islaanimo iyo Soomaalinimo. Waa in aan loo jixinjixin hadalka qowlaysatada qabyaalada ku qaraabata waqtina aa lagu lumin qancinta dadka qabyaaladdu dilootay. Nin Musaylamah la yiraahdo ayaa hada ka hor Nabigoo nool (NNKH) Nabinimo sheegtay, mid ay isku tol yihiin oo arrinkaa ka faalloonaya ayaa yiri " Inuu Maxamad runloow yahay waa ogahay Muslaymana uu beenloow yahay, laakiin Beenloow Rabiica ah oo tolkey ah ayaan ka jeclahay Runloow Banii Muddara ah ". Hadii Nabigu isku mashquulin lahaa raalligelinta dadka caynkaa ah risaaladiisu meel ma gaarteen.

2- Hogaanku inuu adeeg yahay: Sifaadka jiilka saaqiday looga soocnaan karo waa in loo fahmaa in hogaanku adeeg yahay ee uusan awood ahayn. Tan waxaa si wayn u fahmay dadka hogaamiya dunida galbeedka. Madaama arrinku adeeg yahay mar kasta hogaanka waxaa mudnaan leh ciddii adeegga sidii la doonayey u gudan karta. Nabi Daa'uud isagoo jooga ayey tolkiis warsadeen sida Quraanku sheegayo inuu Ilaaheey uga baryo inuu u soo bixiyo Boqor dagaalka ku hogaamiya, boqorkaas markuu ilaaheey tilmaamayey wuxuu ku sheegay mid karti iyo cilmi leh, waxaa halkaas ka muuqata in cilmigaasi uusan ahay mid diineed hadii ay sidaa tahay Nabi Daa'uud ayaa mudnaanta lahaan lahaa. Tan waxaan uga gol leeyahay in aysan culimadu isku khaldin aqoonta diinta iyo gudashada adeega guud. Adeega guud wuxuu u baahan yahay cid hawsha ka bixi karta hawl ka bixida waxaa sal u ah sedex (Aqoon, Xirfad, iyo Khibrad ). Hogaanka maxkamadahu waa inuu fahmaa in aqoonta xirfadda iyo khibradu ay kasbasho u baahan tahay sidaas daraadeed waa in mar kasta xushaan dad iyaga aqoon, khibrad iyo xirfad dhaama. Nabi Muuse markii Ilaaheey uu waydiistay in walaalkii Haruun uu wasiir uga dhigo wuxuu sheegay sifo muhiim ah taasoo uu isaga ku dhaamay "Waa iga codkarsan yahay". Cidda ay qoranayaan maxkamaduhu waa in ay tahay cid wax dheer iyaga. Waa in ay bedelaan caqliga ah in haddii uu ruuxu mar madax noqdo uu aqoonta ka waynaaday, si aysan taas u dhicin waa in ay helaan tababar iyo la talin joogta ah.

3- In Mashruuca la bulshadeeyo: Rasuulkeena Suuban waxaa laga wariyey inuu yiri "Umadaydu Khalad Iskuma Raacdo". Si ay maxkamaduhu uga soocnaadaan jiilkii saaqiday waa in ay arrinka bulshadda ka tixgeliyaan. Nabigeena isagoo ilaaheey u waxyoonayey ayuu hadana markasta raadinayey go'aanka iyo taladda Bulshada. Dagaalkii Beder ayaan ognahay isagoo leh " ASHIIROO CALAYA, WAR DADOOW WAX II SHEEGA". Taninna waa tan keentay in qadiyadaha qaarkood dadwaynaha afti lagu waydiiyo, taasoo ay ku khilaafaan waxa uu hogaaku doonayo. Waa in dadwaynaha loo ogaaladaa in ay si furan doodooda uga dhiiban karaan hawlaha maxkamadaha, su'aalo keeni karaan, la xisaabtami karaan hogaanka maxkamadaha, diidi karaan waxa ay maxkamadahu la yimaadaan hadii aysan ahay wax Amniga wax u dhimaya.

 

Waxaa mudan in hoosta laga xarriiqo in la saxo fahamka ama aragtida ka duulaysa waxaan wax u dhiibanaynaa ciddii ilaaheey raalli ka yahay, ciddii uu Ilaaheey raalli ka yahay isagu uunbaa og ee aadmigu ma oga, haddii la leeyahay cibaadadiisa iyo Alla ka cabsigiisa ayaan ku qiimaynayaa taasina sax maahan. Nabiga ayaa la wariyey in saxaabada nin ka mid uu masuuliyad ka dalbay isagoo u jawaabayanna wuxuu ku yiri " ADIGU RUUX DACIIF AH AYAAD TAHAY" taasoo macnaheeda ah masuuliyad ma qaadi kartida, isla saxiibigan nabigu (SCW) meel kale ayuu ku yiri " DHULKU MA QAADIN SAMADUNNA MA AYSAN HARAYNIN RUUX ABUU DARRAH KA RUN BADAN".

 

Hadaba hadii sidaas Soomaalidu wada garawsato, taasoo ah in facan fashilan iyo jiilkan saaqiday laga soomiyo saamayn ay siyaasada Soomaaliya ku yeeshaan, maxkamadahuna sidaas taabba geliyaan, isla markaana la yimaadaan dhaqan ka duwan, kana soocan kii lagu yaqaannay facan fashilan, waxaan filaynaa rajo soo iftiimtay iyo qaran dib usoo kaca, oo halkii danbas laga filanayey uu dab kasoo dhasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this