Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Laftagareen oo si weyn loogu bogaadiyay tallaabadii uu qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
Laftagareen.jpeg?fit=2048%2C1384&ssl=1

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay qaaday arrin aad loogu riyaaqay, kadib markii ay tiirka cadaaladda geysay rag dilal ka gaystay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Maxkamadda gobolka ayaa Arbacadii iyo Khamiistii lasoo dhaafay toogasho ku fulisay saddex nin oo lagu helay dilal ay horay u geysteen, waxaana lagu qisaasay fagaare loogu yeeray dadweynaha reer Baydhaba.

Ragga la toogtay waxaa ka mid ahaa Mukhtaar Maxamed Nuur iyo Nuur Maxamed Xasan oo horay dil iyo kufsi ugu gaystay marxuumad Luul Cabdiladiif Macallin, falkaas oo argagax wayn ku abuuray bulshada deegaanka.

Sidoo kale waxaa isna qisaas lagu fuliyay gacan ku dhiigle Isxaaq Aadan Ibraahim oo horey u dilay Aadan Maxamed Aadan.

Dhammaan tallaabooyinkan ayaa si weyn loogu taageeray maamulka Laftagareen, waxaana wasaaradda diinta iyo awqaafta Koonfur Galbeed oo warsaxaafadeed soo saartayay sheegtay inay inay taageersan tahay xukunnada qisaasta ah ee lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaasha.

Hoos ka akhriso qoraalka;-

WAR-SAXAAFADEED: BOGAADIN GO’AANADA CADAALADDA EE DOWLADDA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay si buuxda u taageereysaa xukunkii Qisaasta ahaa ee lagu Fuliyey Gacan ku dhiiglayaashii geestay Dilka Bareerka ahaa.

Wasaaradda waxa ay si dhow ula socatay Xukunka Lagu Fuliyey gacan ku dhiiglayaasha geystay Falalka arxan darrada ah ee kafog Dhaqanka Islaamka, xeerarka iyo Dhaqanka Soomaalida u degsan.

Wasaaradda waxay si buuxda ugarab istaageysaa Xukunkii Cadaaladda Ahaa ee lagu Fuliyey gacan ku dhiiglayaashii geestay Falalka arxan darada ah.

Dhammaan Bulshada ku dhaqan Deegaanada Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan ku boorineyna in ay si buuxda ugarab istaagaan dadaalada Dowladda koonfur Galbeed ay wado kuwaas ay ku xaqiijineyso Amniga iyo Cadaaladda.

Ilaahay asagoo ka hadlaaya in ay Qisaasta ay Nolal tahay Quraankiisa waxa uu ku leeyahay:

{وَلَكُمْ فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَا أُولِي الْأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ} الآية:179

Dowladnimada Ha guuleysato

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this