Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay inay burburisay warshad Daacish u sameyn jirtay qaraxyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay inay burburiyeen warshad kooxda Daacish ku lahaayeen deegaanka Sheebaab ee buuraleyda Calmiskaad,  taas oo sameyn jirtay walxa qarxa iyo biraha baabuurta ismiidaaminta loo adeegsanayo lagu rakibo.


War kooban oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaankaas lagu burburiyay warshadda, sidoo kalena lagu diley xubno ka tirsan Daacish oo goobta ku sugnaa.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ay wadaan ciidanka Puntland ayaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayadoo deegaanno badan oo kooxda fariisimo u ahaan jiray laga saaray, sidoo kalena la diley boqolaal dagaalame oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this