Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulanka gaarka ee dhex-maray MW Xasan Shiikh iyo RW Abii Axmed ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa kulan-doceed gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abii Axmed, waxayna labada dhinac ka wada-hadleen xasilloonida gobolka, iyo mideynta dadaallada ku aaddan dagaalka argagixisada, sida ay sheegtay villa Soomaaliya.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida, waxayna madaxda labada dal adkeeyeen xoojinta xiriirka ay wadaagaan, ayadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Addis Ababa u tagey ka qeyb-galka Meertada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika, kaas oo la filayo inta uu socdo looga hadlo ajandayaal badan oo qaaradda u dan ah, sidoo kalena lagu doorto guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this