Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Guddoonka Midowga  Afrika oo maanta dhaceysa iyo lix dal oo aan maanta codeyn doonin

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacaddaha soo socda   madaxda dalalka Afrika ayaa kulan-madaxeed uga  bilaabanayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulankaan waxaa lagu dooran doonnaa Gudoomiyaha Midowga Afrika.

“Golaha loo dhan yahay ee madaxda qaaradda ayaa dooranaya oo magacaabaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka marka ay fadhiga yeeshaan 15-16 Febraayo 2025” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray midowga Afrika.

Wuxuu intaa ku daray in nidaamku yahay in doorashooyinka guddoomiyaha, ku xigeenka, iyo komishanarrada ay soconayaan ilaa iyo inta murashaxiintu ay ka helayaan aqlabiyad 3 meelood oo 2 ah.


Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar.

Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad.

Laakinse ma aha dalalka qaaradda oo dhan kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta.

Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye.

Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this