Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 70 urur diimeed oo Trump ugu baaqay inuu joojiyo Barakicinta dadka Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan In ka badan 70 urur diimeed oo gudaha Mareykan ka dhisan, islamarkaana u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay Trump inuu ka laabto qorshaha lagu barakicinayo dadka reer Qasa.


Ururradan ayaa walaac ka muujiyay qorshaha buuqa badan dhaliyay ee Trump uu ku doonayo inuu ku barakiciyo dadka ku nool marinka Qasa, islamarkaana dhulkooda uu gacanta ku dhigay oo uu mashaariicda asaga u gaar ah ka sameysto sida uu horey u sheegay.

Dalalka dunida intooda badan, gaar ahaan kuwa Islaamka iyo Carabta
ayaa damaca madaxweyne Trump si weyn u diiddan, waxaana la filayaa in 27-ka bishan madaxda dalalka jaamcadda carabtu ay magaalada Qaahira ku yeeshaan shir degdeg oo arrintaas ku saabsan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this