Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Soomaaliya ka hortaagan inay madaxda ka noqato ururrada Midowga Afrika iyo IGAD ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya waxaa ka socata doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaana ku tartamaysa 4 musharax oo ka ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila odinga, Wasiirka Arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Madagascar.

Jagadan waxaa taniyo sanadkii 2017-kii hayay Muuse faki oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka Chad, waxaana hadda loo badinayaa in Jabuuti iyo Kenya midkood uu xilkaas ku guulaysan doono.

Soomaaliya oo horay ugu dhawaaqday inay u taagantahay qabashada kursigan ayaan illaa hadda la ogeyn sababta ay ugu hartay tartanka, sidoo kale weligeed madaxda kama noqan ururkan oo dalalkii aas-aasay ay kamid ahayd sanadkii 1963-dii.

Dhanka kale urur goboleedka IGAD oo la aas-aasay sanadkii 1986-dii, asagana Soomaaliya weligeed hoggaankiisa ma qaban, inkastoo dhismihiisii ay kaalinta ugu weyn ka qaadatay.

Dalalka gobolka intooda badan ayaa xilal sar sare ka soo qabtay labadan urur, balse Soomaaliya waxa hoggaamintooda ka hortaagan ayaa ah weydiin aan cidina jawaab maan-gal ah u hayn.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this