Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay khariiradda muranka dhalisay ee ay soo bandhigtay Itoobiya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ayadoo uu magaalada Addis Ababa ka socda shir madexeedka ururka midowga Afrika, ayaa dowlad Itoobiya waxay dhowaan kulan heer wasiir arrimo dibeed ah oo hordhac u ahaa midka hoggaamiyaasha qaaradda ee hadda socda ku soo bandhigtay khariiradda la yaab leh oo muran dhalisay.

Khariiradda ay soo bandhigtay Itoobiya ayaa muujinaysa in ay Addis Ababa sheeganayso dhul ballaaran oo ka tirsan Soomaaliya, Jabuuti, iyo Eritrea, waxaana ku cad in Itoobiya ay qeyb ballaaran oo badda Soomaaliya kamid ah leedahay, sidoo kalena dhinaca Jabuuti ay ilaa badda cas soohdin la wadaagto.

Sidoo kale khariidadda ayaa muujinaysa in Saxaraha galbeed oo ah dhul ay Aljeeriya iyo Morooko ku muransanyihiini uu yahay dal madax-bannaan, oo aan labadaas dowladood midna ka tirsanayn.

Bandhigga khariiraddan ayaa caro xooggan abuuray, waxayna sheegeen mas’uuliyiin Soomaali ah oo ay xigatay shabakadda First in loo baahanyahay in xarunta Midowga Afrika laga raro Addis Ababa, maadaama ay dowladda Itoobiya ixtiraami wayday midnimada iyo madax-bannaanida dalalka qaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa, waxayna villa Soomaaliya sheegtay in madaxweynuhu kulan gaar ah oo uu la qaatay Ra’iisul Wasaare Abii Axmed looga hadlay xoojinta xiriirka laba dal, ayadoo la dhowrayo daris-wanaagga, ixtiraamka, iyo madax-bannaanida qaran kasta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this