Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa galabta ka dhacay Stadium Muqdisho iyadoo xalay la joojiyey Showgii Haboon Nuura?

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5869.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ciyaareed lagu soo dhaweeyey YouTuber-ka caanka ah ee Asad Xaajiyow ayaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, Asad ayaa heysta ‘Billada Adkeyga’ oo Madaxweynaha Soomaaliya uu siiyey.

Dhallinyarada ugu badan ee ku nool Caasimadda Muqdisho ayaa halkaas isugu tegay galabta, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulan weynihii galabta lagu qabtay Stadium Muqdisho.

Kulan ciyaareedkaan waxaa soo abaabulay wasiirka dhallinyarada iyo cayaataha XFS Maxamed Barre oo kulanka kasoo qeyb galay, sidoo kale waxaa joogay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Hay’adaha Ammanka ayaa kaalin cajiib ah qaatay maanta, iyadoo kulankaasi uu ku soo dhamaaday si nabad ah, taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa galabta ku sugnaa Stadium Muqdisho.

Dhallinyaro iyo masuuliyiin is abaabulay oo goor hore soo bilaabay shaqadaan ayaa qabtay kulanka lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow, kaasi oo dhallinyarada lagu balamiyey Jimcihii maanta.

Asad Xaajiyow oo qeybaha dambe ee jirkiisa ay ka naafeeyeen Al-Shabaab oo ku weeraray magaalada Marka ayaa dhowaan ka yimid dalka Malaysia, halkaas oo 12 sano uu ku sugnaa, kuna noqday Youtuber caan ah.

Bandhiggaan lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow ayaa ku soo aaday iyadoo xalay Muqdisho laga baajiyey Bandhig-faneed muran badan abuuray oo loo qaban rabay Fanaanadda Haboon Nuura oo ka timid magaalada Hargeysa, taasi oo loo dakaneeyey heestii ay wax ka qaaday ee “Malin Cadow Xamar ka daran.”

Kulankii galabta lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow ee lagu qabtay Stadium Muqdisho wuxuu diray dhowr farriimood oo muhiim ah, kalsooni badan oo dhanka amniga ah oo reer Muqdisho ku cusub ayaa jirtay, taas oo mar kasta lagu amaano ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Is-jaceyl bulsho oo aan caadi aheyn ayaa jiray, dadkii soo buux dhaafiyey fagaaraha Stadium Muqdisho waxay taageero, dhiirigelin iyo garab istaag buuxa u muujiyeen dhibane Asad Xaajiyow, oo dowladda Soomaaliya ay horay ugu aartay, kadib markii la dilay raggii weeraray.

Sidoo kale, kulankii Stadium Muqdisho wuxuu muujiyey in reer Muqdisho ay isku xiran yihiin, maadaama wax caqabad ah uusan la kulmin kulankaas, iyadoo xalay la joojiyey Showgii Haboon Nuura oo iyadu diiday in reer Muqdisho ay ka raali geliso doorkii ay ku laheed heestii ay dhibsadeen ee lagu karbaashay xilli umadda Soomaaliyeed ay dalka ka difaacanayeen cadowga Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this