Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulan xasaasi ah oo Xasan la yeeshay Abiy – Maxaa ka socda Addis Ababa?

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5875.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Addis Ababa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meeratada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed, kulankaas ayaa ka dhacay Madaxtoyada Itoobiya ee Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, sida ay baahisay Villa Somalia.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Labada masuul ayaa hoosta ka xariiqay in la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.

Midowga Afrika ayaa la filayaa in Sabtiga berri iyo Axadda ay qabtaan doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ururka, ayadoo guddiga fulinta uu doortay xubnaha qabanaya doorashada, kuwaas oo Arbacadii iyo Khamiistii ay doorashadoodu ka dhacday Addis Ababa.

“Golaha loo dhan yahay ee madaxda qaaradda ayaa dooranaya oo magacaabaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka marka ay fadhiga yeeshaan 15-16 Febraayo 2025,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midowga Afrika.

Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar.

Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, balse dalalka qaaradda oo dhan ma wada codey doonaan ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta.

Dalalka aan codey doonin waa lix dal, waxayna kala yihiin: Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye oo ka socda.

Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco.

IMG_5875.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_5874.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_5873.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_5872.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_5871.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this