Deeq A. Posted February 14 Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii dambe soo baxayay khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, kaasi oo salka ku haya dhismaha guddiga dastuurka ee maamulkan ku-meel-gaarka ah. Dhawaan, xubno ka mid ah baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka SSC-Khaatumo in uu ku xadgudbay axdiga xeer-hoosaadka baarlamaanka, islamarkaana uu is hortaag ku sameeyay soo jeedinta dhismaha guddiga dastuurka. Xildhibaannada ayaa markaas sidoo kale waxay sheegeen in guddoonka ku kacay xadgudub aan loo meel dayin, kuna tuntay axdiga ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, kaas oo qoraya in laga hadlo arrimaha hortebinta u leh masiirka maamulka cusub. “Guddoonka waxaan u gudbinay mooshin aan ku dalbanayno in xeerka dhismaha guddiga dastuurka golaha la horkeeno, isla markaana laga doodo, lana meel mariyo. Sidoo kale, guddoonka waxa uu xiray fadhigii golaha, iyada oo horyaalaan ansixinta hantidhowrka guud iyo akhrinta xeerka shaqaalaha rayidka ah, xildhibaannaduna ay diyaar u ahaayeen,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen xildhibaannada. Jaamac Yaasiin Warsame, oo ah guddoomiyaha baarlamaanka SSC-Khaatumo, ayaa isagoo iska difaacaya eedeymaha xildhibaannada wuxuu sheegay in soo jeedinta xildhibaannada loo gudbinayo hay’adaha ay khusayso si ay uga soo talo bixiyaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in soo jeedin kasta oo aan ku caddayn axdiga SSC-Khaatumo, una baahan in la hubiyo sharcinimadeeda, uu u gudbinayo hay’adaha ay khusayso, si buu yiri “ay uga soo talo bixiyaan muddo aan ka badnayn saddex maalin shaqo.” “Waxaan ku wargelinaynaa xildhibaannada soo jeedinta soo gudbiyay in hindise-sharciyeedka dhisidda guddiga dastuurka SSC-Khaatumo uusan ku caddayn axdiga SSC-Khaatumo, diidmo iyo oggolaansho midna, waxaana u gudbinaynaa hay’adaha ku shaqada leh, si ay uga soo talo bixiyaan sharcinimada iyo sharci-la’aanta mooshinkan,” ayuu yiri guddoomiye Jaamac. Khilaafkan ayaa imaanaya, hoggaamiyaha SSC-Khaatumo uu dhammaadka sanadkii tegay ku dhowaaqay in ay lagama maarmaan tahay in SSC ay ka baxdo ku-meel-gaarnimada, lana magacaabi doono guddi diyaariya dastuur loo dhan yahay oo uu yeelan doono maamulka, kuwaas oo gebogabayn doono bartamaha sanadkan aan ku jirno ee 2025-ka. Share this post Link to post Share on other sites