Deeq A. Posted February 14 Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb-galaya shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayo mustaqbalka iyo danaha guud ee qaaradda. Madaxda Afrika ayaa u ballansan doorashada hoggaanka cusub ee Midowga Afrika iyo ku-xigeennadiisa, xoojinta nabadda, midnimada iyo madaxbannaanida dalalka qaaradda iyo ajendayaal kale oo laf-dhabar u ah jihaynta Midowga Afrika, sanadaha soo socda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Adis Ababa, waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa Madaxda ka soo qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika. Masuuliyiinta safarka ku wehliya madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii xilkan loo magacaabay April 2024, xilligaas oo ay taagneyd xiisaddii u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiir Fiqi ayaa si weyn loogu xusuustaa hadalladii adkaa ee uu Itoobiya ku weerari jiray, intii uu taagnaa khilaafkii labada dowladood. Magaalada Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar. Xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo hagaagay tan iyo markii ay Addis Ababa hoos u dhigtay malafka is-afgaradkii Somaliland ay gashay horraantii sanadkii tegay, kaasi oo si weyn uga careysiiyay dowladda federaalka Soomaaliya. Share this post Link to post Share on other sites