Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka degay Addis Ababa + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
480025778_1078593357645136_9209046806918

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb-galaya shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayo mustaqbalka iyo danaha guud ee qaaradda.

Madaxda Afrika ayaa u ballansan doorashada hoggaanka cusub ee Midowga Afrika iyo ku-xigeennadiisa, xoojinta nabadda, midnimada iyo madaxbannaanida dalalka qaaradda iyo ajendayaal kale oo laf-dhabar u ah jihaynta Midowga Afrika, sanadaha soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Adis Ababa, waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa Madaxda ka soo qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Masuuliyiinta safarka ku wehliya madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii xilkan loo magacaabay April 2024, xilligaas oo ay taagneyd xiisaddii u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa si weyn loogu xusuustaa hadalladii adkaa ee uu Itoobiya ku weerari jiray, intii uu taagnaa khilaafkii labada dowladood.

Magaalada Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar.

Xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo hagaagay tan iyo markii ay Addis Ababa hoos u dhigtay malafka is-afgaradkii Somaliland ay gashay horraantii sanadkii tegay, kaasi oo si weyn uga careysiiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

478884352_1078593250978480_7765352459971

479506201_1078593257645146_6072140171543

480025778_1078593357645136_9209046806918

480064542_1078593247645147_2140659853567

479733844_1078593407645131_7956748630852

479540966_1078593537645118_3064091877646

480156968_1078593447645127_6888833033199

479733967_1078593560978449_3454691367357

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this