Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Trump ka yiri dib u soo celinta dhulka uu Ruushka ka qabsaday Ukraine?

Recommended Posts

Deeq A.   
Donald-Trump-scaled.jpg?fit=2560%2C1777&

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Arbacadii uu kulan dhanka teleefoonka la yeeshay Vladimir Putin. Wicitaanka oo muddo “dheer qaatay” ayaa la sheegay inuu ahaa mid wax ku ool ah” kaas oo madaxdu ay ku heshiiyeen in ay bilaabaan wada xaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu Trump ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha Ruushka ay “ku heshiiyeen in ay si degdeg ah u bilaabaan wada xaajoodyada” uuna midba midka kale ku casuumo inuu booqdo caasimaddooda.

Ka dib, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay inuu kala hadlay Trump “nabad waarta oo la isku halayn karo”.

Baaqyada dhinacyada is haya ayaa yimid iyadoo Trump iyo xoghayihiisa gaashaandhigga ay labaduba sheegeen inaysan u badneyn in Ukraine ay ku biirto Nato, taasoo niyad jab weyn ku noqon doonta Kyiv.

Zelensky wuxuu sheegay inuu la kulmi doono madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio inta lagu guda jiro shir-madaxeedka difaaca Ukraine ee ka dhacaya Munich Jimcaha.

Trump ayaa baraha bulshada ku soo qoray: “Waxaa la joogaa waqtigii la joojin lahaa dagaalkan qosolka leh, oo aan loo baahnayn inuu dhaco sababana dhimasho iyo burbur. Ilaah ha barakeeyo dadka Ruushka iyo Ukraine!”

Ma uusan cayimin wakhti uu kulan fool ka fool ah la yeelanayo Putin, balse markii dambe waxa uu saxafiyiinta kula hadlay Aqalka Cad: “Waxaan ku kulmi doonnaa Sacuudiga”, ayuu u sheegay.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu taageeray fikradda Trump ee ah in la gaaray waqtigii la wada shaqeyn lahaa.

Wadahadalka taleefoonka ee dhexmaray Putin iyo Trump ayaa qaatay ku dhawaad saacad iyo bar, iyadoo madaxweynaha Ruushka uu u fidiyay casuumaad uu ku tagayo Moscow, ayuu yiri Peskov.

Trump ayaa sidoo kale weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad in aysan u badneyn in Ukraine ay ku soo laabato xudduudaheeda ka hor 2014-kii, balse, isaga oo ka jawaabaya su’aal ay BBC-da weydiisay, wuxuu yiri “dhulkaas qaar ayaa soo laaban doona”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku raacay Xoghayihiisa Difaaca Pete Hegseth, oo ka sheegay shir madaxeedka Nato horaantii Arbacada in aysan suurtagal ahayn in Ukraine ay ku biirto xulafada militariga.

“Waxaan u maleynayaa inay taasi run tahay,” ayuu yiri Trump.

Dowladda UK ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay Ukraine ka siiso difaaca Ruushka, iyadoo Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Angela Rayner ay u sheegtay ITV in taageerada London ee Kyiv ay tahay mid “ku taagan”.

Isagoo qiimaynaya niyadda dadka caasimadda Ukraine, weriyaha BBC-da James Waterhouse waxa uu sheegay in hadalka Hegseth uu dhaawac ku noqon doono Kyiv.

Iyadoo muddo dheer la ogaa in maamulka cusub ee Maraykanku aanu u damqanayn Ukraine marka loo eego kii ka horreeyay, weriyahayagu wuxuu ku daray, hadal kasta oo Hegseth wuxuu u badan yahay inuu ka farxin doono Moscow oo keliya.

Waxaa jiray diidmo ka mid ahaanshaha Nato, aragti ah in Ukraine aysan ku guuleysan karin.

Zelensky waxa uu ku celceliyay in aan “wax wada hadal ah la yeelan karin Ukraine la’aanteed” – laakiin wadahadalka taleefoonka Trump iyo Putin ayaa dhacay isaga oo maqan.

Hogaamiyaha Ukraine ayaa intaa ku daray: “Waxaan ku heshiinay inaan sii wadno xiriir dheeri ah oo aan qorsheyno shirarka soo socda.”

Baaqa u dhexeeya madaxda Maraykanka iyo Ukraine ayaa qaatay saacad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian oo la daabacay Talaadadii, Zelensky waxa uu soo jeediyay in dhulka uu Ruushka haysto ee Ukraine lagu beddelo dhulka Ukraine ay haysto ee gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, taasoo qayb ka ah heshiis nabadeed.

Afhayeenka Putin Peskov ayaa sheegay in tani ay tahay “wax aan macquul ahayn”.

“Ruushka waligiis kama hadlin, mana ka hadli doono beddelka dhulkiisa, ciidamada Ukraine waa laga saarayaa dhulkan.”

Iskahorimaadku wuxuu qarxay dagaal dhan walba ah markii Ruushku soo galay Ukraine ku dhawaad saddex sano ka hor.

Isku daygii Moscow ay ku dooneysay in ay kula wareegto caasimadda Kyiv waa la fashiliyay, balse ciidamada Ruushka ayaa qabsaday ku dhawaad shan meelood meel dhulka Ukraine ee bariga iyo koonfurta, waxaana ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen dalkaasi.

Ukraine ayaa ku aargudatay madaafiic iyo duqeymo diyaaradeed, iyadoo sidoo kale weerar dhanka dhulka ah ku qaaday gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka.

Khasaaraha saxda ah waa ay adag tahay in la helo sababo la xiriira sirta labada dowladood ee Ruushka iyo Ukraine, laakiin waxaa lagu qiyaasaa in boqolaal kun oo qof oo u badan askar la dilay ama la dhaawacay, malaayiin rayid ah oo reer Ukraine ahna ay ka qaxeen guryahoodii.

Isha: BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this