Deeq A. Posted February 14 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo maalintii 5-aad ku guda jira Safarka shaqo ee uu ku joogo Dalka Midowga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Dekedda πππ’π«π ππ₯ πππ¦π«π ee Dubai, Dekedaasi oo ka mid ah Dekadaha ugu muhiimsan ee ay Ganacsatada reer Somaliland wax ka soo dhoofsadaan, ganacsigooduna uu ka goosho. Booqashada Madaxweynaha JSL ee Dekedda πππ’π«π ππ₯ πππ¦π«π ee Dubai, waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa sida ay Somaliland uga goβan tahay xoojinta ganacsiga xagga Badda iyo inay xidhiidh dhaqaale oo qoto dheer ay Somaliland la yeelato Dalka Imaaraadka Carabta. Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News Share this post Link to post Share on other sites