Sign in to follow this  
Deeq A.

Xilliga Israel qorsheysay inay weerarto nukliyeerka IRAN oo la ogaaday – Xog sirdoon

Recommended Posts

Deeq A.   
Israel.jpg?fit=2250%2C1730&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay in Israel ay u badan tahay inay bartamaha sanadkan weerar ku qaaddo barnaamijka nukliyeerka ee Iran, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Washington Post Arbacadii, ayada oo soo xiganeysa dhowr warbixin sirdoon.

Weerarkaas ayaa dib u dhigi doona horumarka barnaamijka nukliyeerka Iran muddo toddobaadyo ama bilo ah, balse wuxuu sare u qaadi doonaa xiisadaha gobolka, isaga oo halis gelinaya in colaad ballaaran ay qaraxdo, sida ay tilmaameen warbixinnada sirdoonka ee dhammaadkii xukuumaddii Biden iyo bilowgii maamulkii Trump, sida uu qoray wargeyska.

Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo. Wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Israel, CIA, Hay’adda Sirdoonka Difaaca iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ay diideen inay ka hadlaan arrintan.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Brian Hughes, ayaa u sheegay Washington Post in Madaxweyne Donald Trump uusan oggolaan doonin in Iran hesho hub nukliyeer ah.

“Inkastoo uu doorbidayo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka taariikhiga ah ee Mareykanka kala dhexeeya xukuumadda Iran, haddana ma sugi doonno haddii Iran aysan diyaar u ahayn inay wadaxaajood sameyso, gaar ahaan waqti dhow,” ayuu Hughes u sheegay Washington Post.

Warbixinta ugu dhammaystiran ee sirdoonka ayaa la soo saaray horraantii Janaayo, waxaana diyaariyay waaxda sirdoonka ee Taliska Guud iyo Hay’adda Sirdoonka Difaaca, ayey tiri Washington Post.

Warbixintaasi waxay ka digtay in Israel ay u badan tahay inay isku daydo weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka Iran ee Fordow iyo Natanz.

Saraakiil Mareykan ah oo xogogaal u ah sirdoonka, kuwaas oo hadda shaqeeya iyo kuwo horey u soo shaqeeyay, ayaa u sheegay Washington Post in Israel ay rumeysan tahay in duqeyntii ay bishii October ku qaadday Iran ay wiiqday difaacyada cirka ee dalkaas, taasoo ka dhigtay mid u nugul weerar kale oo xiga, sida uu qoray wargeysku, inkastoo aan la magacaabin saraakiishaas.

Iran iyo Israel ayaa sanadkii hore dhowr jeer is-weeraray, iyaga oo isku aargudanaya, xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayeen, gaar ahaan dagaalka Israel ka waddo Gaza.

Warbixinnada sirdoonka ayaa saadaaliyay labo ikhtiyaar oo weerar ah, kuwaas oo midkoodna uu Mareykanka ku lug leeyahay, gaar ahaan taageero dhinaca sirdoonka ah iyo buuxinta shidaalka diyaaradaha, sida lagu yiri warbixinta Washington Post.

Madaxweyne Trump ayaa wareysi uu Isniintii siiyay Fox News ku sheegay inuu doorbidayo heshiis uu la gaaro Iran si looga hortago inay hesho hub nukliyeer ah, isaga oo intaa ku daray inuu aaminsan yahay in Iran ay doorbidayso heshiis halkii ay dagaal geli lahayd.

“Qof walba wuxuu aaminsan yahay in Israel, oo naga helaysa taageero ama oggolaansho, ay si ba’an u duqeyn doonto. Laakiin anigu waxaan doorbidayaa in taas aanay dhicin,” ayuu Trump yiri.

Mareykanka, intii uu xilka hayay Madaxweyne Barack Obama, iyo xulafadiisa Yurub ayaa heshiis la galay Iran si loo hakiyo barnaamijkeeda nukliyeerka, balse Trump, oo ay ku dhiirrigelisay dowladda Israel, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskaas taariikhiga ah, isaga oo dib u soo rogay cunaqabateynta Iran sanadkii 2018.

Tan iyo markaas, Iran ayaa dib u bilowday barnaamijkeedii nukliyeerka, iyada oo sare u qaadday heerka uruurinta uranium-ka, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA).

Iran, Britain, France iyo Germany ayaa bishii Janaayo kulan ku yeeshay Geneva si ay ugu raad raacaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii nukliyeerka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, oo la hadlay TV-ga dowladda Iran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this