Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ammaanka Puntland oo hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso ku qabtay xubno horay loo raadinayay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1739514484111.jpg?resize=720%2C48

Ciidamada Ammaanka Puntland oo xalay hawlgal ka sameeyay magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay 7 qof, oo ay ku jiraan xubno lagu raadjoogay oo xogtooda la hayay, sida ay dowladdu sheegtay.

War kooban oo ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ciidamada Ammaanka ka sameeyeen Boosaaso lagu qabtay 7 qof, oo ay ku jiraaan xubno horay loogu raadjoogay oo xogtooda la hayay.

“Boosaaso: hawlgaladii Ciidanka Amnigu caawa sameeyeen, waxa lagu qabtay ugu yaraan 7qof oo ay ku jiraan xubno hore loogu raadjoogay oo xogtooda lahayey” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay dowladda Puntland.

Ciidamada Ammaanka Boosaaso oo kaashanaya shacabka magaalada ayaa tan iyo bilowgii dagaalka Calmiskaad, waxay ku guulaysteen in ay fashiliyaan falal argagixiso oo ay kooxda ISIS ka abaabulaysay Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Ammaanka Puntland oo hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso ku qabtay xubno horay loo raadinayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this